Wakaaladda Qurbo-jooga "Waan Bogaadinaynaa Oo Hablayo udaraynaa Jaaliyadda Sheffield Tallaabada ay ku Guulaysteen.

0
Thursday April 03, 2014 - 08:42:23 in by salman abdi
  • Visits: 638
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wakaaladda Qurbo-jooga "Waan Bogaadinaynaa Oo Hablayo udaraynaa Jaaliyadda Sheffield Tallaabada ay ku Guulaysteen.

    Agaasimaha Xafiiska Xidhiidhka Jaaliyadaha Somaliland Mr.Xasan Axmed Yuusuf, ayaa Bogaadiyay dedaalkii ay u galeen Jaaliyadda reer Somaliland inay Golaha deegaanka Sheffield ay aqoonsadaan Madax-banaanida JSL.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Agaasimaha Xafiiska Xidhiidhka Jaaliyadaha Somaliland Mr.Xasan Axmed Yuusuf, ayaa Bogaadiyay dedaalkii ay u galeen Jaaliyadda reer Somaliland inay Golaha deegaanka Sheffield ay aqoonsadaan Madax-banaanida JSL.


Mr.Xasan Axmed Yuusuf waxa uu sidaasi ku sheegay war-saxaafadeed uu caawa soo saaray oo u qornaa sidan:-
"Jaalliyadaha Somaliland ee caalamku waxay kaga jireen kaalin waafi ah dhismaha iyo horumarinta qaranka ay u dhasheen ee Somaliland wakhti dheer. Waxay ku leeyihiin door xus iyo xasuus mudan sooyaalkii taariikheed ee halgankii dib ula soo noqoshada qaranimada Somaliland iyo dadaalka loo galay ictiraafka iyo aqoonsiga caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland Somaliland illaa 18 May 1991 meelkasta oo ay ka joogaan dunida. Waxa taas tusaale u ah guusha taariikhiga ah ee ay la yimaadeen jaalliyadda Somaliland ee magaalada Sheffield iyo guud ahaan qurbajoogga Somaliland ee dalka UK.


Xafiiska Xidhiidhka Jaalliyadaha JSL wuxu hambalyo iyo bogaadin u dirayaa jaalliyadda Somaliland ee magaalada Sheffield iyo guud ahaan qurbajoogga wadanka UK dadaalka ay ka galeen guushaas taariikhiga ah ee Golaha Deegaanka Sheffield 2da April 2014 ku aqoonsadeen Somaliland qaran madaxbannaan.

Tallaabada aqoonsiga Somaliland ee Golaha Deegaanka Sheffield iyo doorka jaalliyadda Somaliland ee Sheffield waxay ka turjumaysa tiradooda badan, taladooda midaysan, tamartooda xoogan iyo tacabka ay qurbajoogga Somaliland rag iyo dumar, dhalinyaro iyo waayeel u galeen ka midho dhalinta himillada qaranka Somaliland ee aqoonsi caalami ah, waxanay dhiirrigelinaysaa guusha maantu in qurbajoogga Somaliland ee dalka UK iyo dunida kaleba laba jibbaaraan dadaalkooda waxqabad iyo kaalinta kaga qadiyadda qaranka iyo ictiraaf raadinta Jamhuuriyadda

Afkashacabka.com

London /Office

Contact@afkashacabka.com