Marka hore waxaan salaamayaa bulshada soomaaliyeed ee aan magaceeda iyo muuqeedaba ku hadlaayo gaar ahaan intii magacayga iyo muuqaygaba taqaan.
waxa kale oo aan salaamayaa saxaafada madaxa banaan iyo tan dawladeed ee shafarta iyo karaamada iga mudan.salaan ka bacdi waxaan jeclaystay inaan waxoogaa guud mar ah aan ku sameeyo noocyada guurka gaar ahaan guurka soomalida iyo siyaabaha dumarka loo raadin jiray ama loo doonan jiray marka la guursanaayo. umad walibana waxa ay leedahay hidde iyo dhaqan u gaar ah oo ay kaga soocan tahay umadaha kale. taas ayaana sababtay in dadka aduunka ku nooli mid kastaa uu lahaado hidde iyo dhaqan u gaar ah.soomaali ahaan guurkeeni hore waxa ku qotomay dhaqan inoo gaar ah kaas oo aynu ka soo gaadhnay awoowoyaasheen.
hadaba inaga oo taas ka duulayna ayeynu eegi doonaa noocyadii guurkii hore ee somalida iyo siyaabaha loo guursan jiray dumarka soomaaliyeed ama loo doonanan jiray.
Inta aynaan u gelin noocyada guurku u qaybsamo bal aynu ka jawaabno su,aashan.
Waa maxay guur?
"Guurku waa heshiis u dhaxeeya wiil iyo gabadh doonaaya inay sameyen ama yegleelaan qoys ama reer ku soo biiraa bulshadaas ay ku dhex nool yihiin.guurku waa shay ay raali ka tahay diinteena suubani, isla mar ahaantaasna uu inoo baneeyey allaah subxaahu wa tacaalaa.waa shay uu inoo sheegay nebigeenii suubanaa ee muxamed NNKH.waa shay faa,iidadiisa ugu weyni tahay ubad lagu nasto oo loo aayo mustaqbalka dhow iyo ka fogba.”
Hadaan intaas kaga soo gudbo jawabta kooban ee aan ka bixiyey guurka bal aynu eegno noocyada guurka somalida.inkasta oo aynu arki doono noocyo ka mid ah guurkan oo aan diin ahaan banaanayn hadana dadkii hore ee somalida ahaa iyaga oo aan diinta eegin ay ku dhaqaaqi jireen taas oo aan u nis bayn karno dadka soomalida ah oo aan diinta aqoon fiican u lahayn iskagana badnaan jiray xoolo dhaqato.hada bal aynu eegno qaybihii guurka loo qaybshay.
1:SOO GEED FADHIISI /HESHIIS :
Guurka noocan ahi waxa uu ahaa nooca ugu muhiimsan uguna sharafta iyo karaamada badan marka loo eego bulshada dhexdeeda.waxa uu ahaa guur ay isku soo afgarteen wiilka iyo gabadha is guursanaaya.waxa uu ahaa mid labada reer ee xididayaa ay ku qanacsanaan jireen tiiyoo la tixgelinaayo heshiiska labadan ruux ee is calmaday.waxa uu ahaa guur sooryo iyo yaradba laysa meel dhigi jiray iyada oo loo eegayo xeerka u dhaxeeya labadan reer ee xididaaya.yaradka ugu muhiimsan ee wiilku meesha kaga dhawaaqi jiray ama uu ku bixin jiray waxa ka mid ahaa GEEL.FARDO IYO HUB GAAR AHAAN QORIYO IWM. Waxa uuna ahaa ilaa maantana yahay kan ugu maamuuska iyo sharafta badan.
2: U DOORIS/ISA SIIN:
Guurka dooristu ama isa siintu waxa uu ahaa mid aan haboonayn inta badana gabadha/inanta la siiyey ninka may ahayn mid ku niyadsan.sababtoo ah inanta waxa bixin jiray ama nin siin jiray aabaheed tiiyoo aan inantii lagala tashan.waxa uu ahaa guur ay isku soo afgaran jireen waalidiinta ubadka dhalay gaar ahaan aabayaasha wiil ka iyo gabadh kala dhalay.guurka noocan ahi waxa uu ahaa mid intiisa badan danaysi ku jiro siiba aabaha inanta dhalay isagoo ninkaa inanta uu siiyey ku eexaysan jiray hanti xooleed iyo hayn lacageed.waxa uu ahaa guur qasab ah oo inanta lagu qasbaayo guur aanay diyaar u ahayn.waxaana inta badan dhici jirtay in inantu baxsato/cararto si aan loo siinin ninkaas aanay diyaarka u ahayn ee dusha lagaga keenay.
3: DUN KU XIDHASHO/DHIGASHO:
Guurka dun ku xidhashadu waxa uu ahaa noocyada haweenka loo bixiyo ama loo guursado.guurkan sida magacaba idiinka muuqata waxa inanta lagu xidhan jiray dun taas oo ay odhan jireen anaga ayey inantani noo joogtaa duntuna noogu xidhan tahay,siiba waxa inanta dunta lagu xidhan jiray inta ay yar tahay si ay u guursadaan kolka ay weynaato ama qaangaadho.guurkani waxa uu ahaa mid laysku dilo ama colaad dhex dhiga qabaa,il ka wada degan.sababtoo ah waxa mar mar dhici jirtay in inanta nin kale la tago ama dhabar garaaco taas oo reerkii inanta duntu ugu xidhnayd ay ka cadhoodaan ninkaas inantii u joogtay ama udoonanayd kala tegay ama ka dhabar garaacay sidaasna ay dagaal ku qaadaan reerkii inanta ka dhacay.
4: LA TEGIS/ISLA BAXSASHO:
Guurka noocan ahi waxa uu ka mid yahay noocyada ugu caansan ,somalida intooda badanina ay isku guursadeen.waa mid ilaa manta sii jira isla markaasna ah noocyada ugu badan ee ilaa xaati wakhtigan laysku guursado.waa heshiis u dhaxeeya wiilka iyo gabadha haasawahu ka dhaxeeyey,waxaana lagu heshiiyaa in ninku gabadha ama inanta uu la haasawayo uu kaxaysto oo uu geysto gurigooda.badanaa ninka waxa gabadha la soo kaxayn jiray inaadeerkii sidaas bayna reeraha ku keeni jireen.maalmo marka ay guriga ku hayaan ayaa niman reerka ka mid ah inta lacag sooryo ah loo dhiibo lagu odhan jiray reerkii inantu ahayd u taga oo inanta inooga soo meheriya,sidaas bayna intay reerkii inantu ka soo jeeday intay u tagaan iskuna sheegaan qabaa,ilka ama qabiilka ay ka soo jeedaan yidhaahdaan waar gabadhii anaga ayaa la tagnaye hana loo mehersho.
Sidaas ayaa loogu meherin jiray ama loogu diidi jiray,khaasatan marka ay ka shakiyaan inaan ninkani inantooda hanan Karin ama guursan Karin.
5:DHABAR GARAAC/XOOG KU KAXAYSASHO:
Guurka noocan ahi waxa uu ka mid ahaa noocyada dumarka lagu guursado inkasta oo aanu badnayn,hadana waxa uu ahaa guur ku habaysan ama saldhigiisu yahay xoog.waxa uu ahaa guur la tixgelinaayo rabitaanka ama doonista ninka.ninku waxa uu soo kaxaysan jiray ilmaadeeradii waxay u iman jireen gabadhii oo xoolihii reerkooda la joogta dabadeed xoog ama awood ayey ku kaxaysan jireen gabadha.waxa uu ahaa guur aan haboonayn diin ahaan iyo dhaqan ahaan labadaba, waxa uu ahaa guur inta badan qabaa,ilka ama beesha meeshaas wada degan ka dhex abuura colaad iyo dagaal.waxa uu ka mid yahay noocyada guurka ee sidooda u dabar go,ay, ee dhamaaday maantana aan habayaratee aan jirin.inkasta oo ninka ay gabadha la soo dhabar garaacaa dhasho uu raga iskala sarayn jiray oo uu iska weynayn jiray hadana ma ahayn guur inta badan la mahadiyo.
6: HEERIN/RAG DOONASHO:
Heerinku waxa uu ahaa nooca ugu liita guur lays guursado.waxa uu ahaa guur ay gabadhu inta ay deegaanka ay ku nooshahay ka tagto ay qabato deegaan kale si ay u hesho nin guursada!!.waxa uu ahaa guur intay hablo badan is raacaan ay doontaan rag guursada halka iyaga la soo doonan lahaa.waxa uu ahaa guur aan micno baladhan ku fadhiyin, inkasta oo dumarka heerinka ahi marka ay reeraha ama beesha u yimaadaan la imtixaani jiray ama la halxidhaalayn jiray si ay u ogaadaan ta ugu wanaagsan ee la guursan karo. Bal waxad ila wadaagtaan hal xidhaale lagu ogaanayey afar dumar ah oo heerin ah oo u yimid beel meel taala iyaga oo ka xulanaaya ta ugu fiican ee reerkeda haysan karaysa .waxana uu ahaa hal xidhaalahaas sidatan soo socota.
(afar hablood oo heerin baa reer u soo hoyday reerkiiba neef u qalay si ay ogaadaan ta ugu bahoon ee laga guursan karaayo.hilibkii oo kulul ayaa loo keenay si ay u cunaan,(tii koobaad(1) ayaa tidhi naa kadan maynee kala goo”macnaa sugi kari maynee kala goo.(tii lbaad(2) ayaa iyana tidhi naa kululaa kama naal nee”macnaa kululaa sugi kari maynee”tii saddexaad(3) ayaa tidhi naa ha qaboobee qaba dheer ku rid”macnaa ha qaboobee hanta biyaha ku rid”tii afraad(4) ayaa odhanaysa naa ha kaf kafee korka saar”macnaa ha qaboobee korka saar” .sidaas ayaa lagu kala ogaanayaa waxaana la guursanayaa gabadha afraad ee odhanaysa "naa ha kafkafee korka saar” sababtoo ah saddexda kale waxa la ogaaday inay hunguri badan yihiin,gabadhan se afraad waxay ogaadeen inanay hunguri badnayn sidaas baana lagu guursanayaa iyada .
7: XIGSIISAN/XIGSIIN (XANAANO UBAD):
Guurkan xigsiisanku waa mid duruufi ku baday ah.guur kani waxa uu yimaadaa marka ninka ooridu ka dhimato ama xijaabato.waxaana ninka la siiyaa gabadhaas dhimatay walaasheed.waana mid banaan diin ahaan iyo dhaqan ahaana labadaba.haddii gabadha dhimatay aanay walaalo la dhalanin ama lahayn waxa ninka la siin jiray gabadhaas dhimatay inadeerted. u jeedada ugu weynayd ee ay ka lahaayeen dhaqan ahaan waxa ay ahayd laba arimood .waa ta koobaade inay daryeesho oo dayaca iyo dhibaatada ka ilaaliso caruurtaas walaasheed ka dhimatay ama inaderted ka dhimatay,iyo in xididtinimadii labada reer baabi,in ama dhamaanin.
8:DUMAAL(DANI KU BADAY):
Guurkani waxa uu u dhow yahay ama ay isku jaal yihiin guurka loo yaqaano xigsiisanka.guurkani waxa uu yimaadaa marka ninka walaalkii dhinto,waa guur dani ku baday ah.waana guur banaan diin ahaan,sababta ugu weyna ee guurkan ninka ku qasbaana waxa uu yahay inuu dayaca iyo darxumada ka ilaaliyo caruurta walaalkii ka dhintay ee agoonta ah.haddii ninka aanu walaalo lahayn waxa gabadha guursan jiray ninkaas dhintay inaadeerkii.waana guur mar mar dagaal ka dhaco,sababtoo ah haddii gabadha uu nin kale oo aan ahayn nimankii dumaasheeda lahaa is yidhaahdo guurso waxa ka dhalan jiray ismaan dhaaf aakhirkana sababi jiray dagaal iyo colaad.
Intaas baan ku soo koobayaa dul markii koobnaa ee aan ku sameeyey noocyada guurkii hore ee somalida loo qaybin jiray.kaas oo ku dhidban ama saldhigiisu yahay dhaqankii hore ee soomaalida.mana aha wax aan iminka curiyey balse waa wax soo taxnaa ama soo jiray ilaa iyo intii aynu umada ahayn,.waadna hadsan tihiin akhristayaasha qarafta iyo cisiga iga mudan……….
Wabilaahi tawfiiq
W/Q:sharmarke cabdi ibraahim ( dhuux yare )
Email: sharmarke09@outlook.com
Phone number: 00251941517555
Addis ababa , Ethiopia
Noocyada Guurkii Hore Ee Soomaalida Loo Qaybin Jiray!! W/Q:sharmarke dhuux yare
Marka hore waxaan salaamayaa bulshada soomaaliyeed ee aan magaceeda iyo muuqeedaba ku hadlaayo gaar ahaan intii magacayga iyo muuqaygaba taqaan.