Mooshinno Isku Lid Ah Oo Maanta La Hor-Keenayo Golaha Wakiilada, Tartanka Loogu Jiro Kuraasta Ku Xigeennada

0
Saturday February 08, 2014 - 11:48:55 in by Super Admin
  • Visits: 988
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mooshinno Isku Lid Ah Oo Maanta La Hor-Keenayo Golaha Wakiilada, Tartanka Loogu Jiro Kuraasta Ku Xigeennada

    Dagaalka Siyaasadeed ee u dhexeeya xukuumadda talada Somaliland haysa ee xisbiga Kulmiye iyo Guddoomiyaha Golaha Wakiilada, oo toddobaadkii u dambeeyay dibadda u soo baxay, ayaa maraya heerka ugu sareeyay,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dagaalka Siyaasadeed ee u dhexeeya xukuumadda talada Somaliland haysa ee xisbiga Kulmiye iyo Guddoomiyaha Golaha Wakiilada, oo toddobaadkii u dambeeyay dibadda u soo baxay, ayaa maraya heerka ugu sareeyay,

Dagaalka siyaasadeed ee xukuumaddu ku bilowday Guddoomiyaha Golaha Wakiilada, ahna Guddoomiyaha xisbiga Mucaaradka ee WADDANI, oo sii cakirmay markii wax ka bedalkii lagu sameeyay xeer hoosaadka Golaha Wakiiladu awooddii shir-guddoonimo ka dhimay Labada ku xigeenka ee Golaha Wakiilada oo ka mid ah Mudanayaasha Golaha Wakiilada ugu jira xisbiga Kulmiye isla-markaana ku dhow xukuumadda, kuwaasi tan iyo maalintii awooddooda hoos loo dhigay ka maqnaa Golaha, kuna hawlanaa qorshayaal ay ku beegsanayaan Guddoomiyaha Golaha Wakiilada, Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), waxaana la sheegayaa in sabtida Maanta ay golaha horkeenayaan mooshin wararka qaarkood sheegayaan inay doonayaan in lagu dhimo tirada guddoomiyaha xilka lagaga qaadi karo, taasi oo imika ah 55 isla-markaana laga dhigo 42 cod,

 

taasi oo la mid ah tirada labada ku xigeen xilka lagaga qaadi karo, halka wararka qaarkoodna sheegayaan in Mooshinka ay debada ka riixayaan Baashe Maxamed Faarax iyo Cali Yuusuf Axmed uu yahay mid ay ku doonayaan in lagu rido Guddoomiye Cirro oo xukuumaddu u aragto inuu hogaaminta Golaha Wakiilada ay awood badan u siisay in xisbigiisu uu duufaano Mucaaradeed ku kiciyo xukuumadda.

 

 

Dhanka kale, wararka ka soo baxaya Golaha Wakiilada, ayaa sheegaya in xildhibaanno taageersan Guddoomiyaha Golaha Wakiiladu ay diyaariyeen Mooshin ka dhan ah labada Guddoomiye ku xigeen, mooshinkaasi oo ay doonayaan in xilka lagaga qaado, iyada oo la sheegayo inay durba soo baxeen xildhibaanno tartan ugu jira qabashada Guddoomiye ku xigeenka koowaad iyo ka labaad ee Golaha Wakiilada, inkasta oo wararka u dambeeyay ee xalay ay sheegayaan in Wasiirada ugu tunka weyn xukuumadda qaarkood ay dhaqaale ku riixayaan in Guddoomiye Cirro talada laga tuuro.

 

 

 

 

Xaraaradda dagaalka siyaasadeed ee Golaha Wakiilada ku dhex maraya maanta Guddoomiye Cirro iyo xukuumadda ayaa gaadhay in Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro uu si deg-deg ah Jimcihii shalay dib uga soo laabto safar uu ku tagay Dalka Itoobiya isla-markaana si cadho leh xukuumadda fariin ugu diro, isaga oo sheegay inay si muuqata xukuumaddu faraha ugula jirto hawlaha Golaha Wakiilada "Golaha Wakiilada Jamhuuriyadda Somaliland, Intay ay jirtay xukuumadda Axmed Maxamed Siilaanyo, Madaxwaynaha JSL marna dagaal lamay galin, haddana dagaal kulama jirto, laakiin waxa soo if baxaya oo si qaawan u muuqday in arrimaha u gaarka ah golaha wakiilada ay gacanta kula jirto” ayuu yidhi Guddoomiye Cirro, waxaanu intaasi raaciyey isaga oo fariin u diraya xukuumadda "Waxaan kula talinayaa xukuumadda inay faraha kala baxdo arrimaha u gaarka ah Golaha Wakiilada oo ay ku mashquusho arrimaha kale ee qaranka”

 

 

 

Guddoomiye Cirro, waxa uu sheegay inuu kalsooni ku qabo Mudanayaasha Golaha Wakiilada "Waxaan salaamayaa dhammaan mudanayaasha Golaha Wakiilada meel kasta oo ay joogaan rag iyo dumarba, waxaanan ku kalsoonahay in mudanayaashu sharaftooda iyo sharafta qarankaba ay ilaalin doonaan”