Wasiirka Arrimaha Debadda Somaliland Oo Ka Hadlay Aqoonsiga Gobolka Sheffield.

0
Thursday April 03, 2014 - 09:53:05 in by salman abdi
  • Visits: 1371
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Arrimaha Debadda Somaliland Oo Ka Hadlay Aqoonsiga Gobolka Sheffield.

    Xukuumadda Somaliland ayaa soo dhawaysay, isla markaana ku tilmaantay guul weyn oo u soo hoyatay bulshadda reer Somaliland tallaabadii ay shalay golaha Deegaanka magaaladda Sheffield ee dalka Britain ay Somaliland ugu aqoonsadeen inay tahay Dawlad Ma

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xukuumadda Somaliland ayaa soo dhawaysay, isla markaana ku tilmaantay guul weyn oo u soo hoyatay bulshadda reer Somaliland tallaabadii ay shalay golaha Deegaanka magaaladda Sheffield ee dalka Britain ay Somaliland ugu aqoonsadeen inay tahay Dawlad Madax-banaan.

Waxaanay dawladda Somaliland sheegtay in ay go’aankaasi u arkaan mid dhabaha u xaadhaya in ay dhawaan Somaliland aqoonsan doonaan wadamo badan oo caalamka ah, maadaama oo ay dad ka mid ah caalamku u aqoonsadeen in ay buuxisay dhamaanba shuruudihii looga baahnaa dawlad-nimadda.

Arrintani ayaa ka dambaysay ka dib markii fadhi ay shalay yeesheen xildhibaanada golaha deegaanka magaaladda Sheffield ay cod aqlabiyad ah ku meelmariyeen in Jamhuuriyadda Somaliland ay tahay qaran madax-banaan.
Iyada oo fadhigaasi ay yeesheen golaha deegaanka ka dawladda hoose ee Sheffield ay ka soo xaadireen 88 muddane, kuwaasi oo dood dheer oo ay ka yeesheen qadiyadda aqoonsiga Somaliland, uu ku soo dhamaaday in cod loo qaaday mawduucaasi, waxaana ogolaaday 86- xildhibaan, hal mudane ayaa diiday, hal mudanena wuu ka aamusay, guddoomiyuhuna muu codaynin.

Fadhigan ay golaha deegaanka magaaladda Sheffield Somaliland ugu aqoonsadeen inay tahay Jamhuuriyad madax-banaan oo buuxisay dhammaanba shuruudihii looga baahnaa dawlad dimuqraadi ah, oo ahaa mid ay si weyn ugu dheg-taagayeen guud ahaanba bulshada Somaliland, gaar ahaana kuwa ku dhaqan magaaladda Sheffield iyo magaalooyinka kale ee dalka UK, ayaa waxa ka qayb-galay oo goobjoog ka ahaa halkii uu shirkaasi ka dhacayay masuuliyiin iyo xubno ka mid ah golaha Wasiirrada Somaliland oo ay ka mid ahaayeen Wasiirka arrimaha dibadda Maxmed Biixi Yoonis, Wasiirka macdanta iyo tamarta Eng. Xuseen Cabdi Ducaale, Wasiirka Ganacsiga Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar iyo Guddoomiyaha golaha wakiiladda C/raxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro).

Sidoo kale waxaa shirkaasi ka qaybgalay safiirka Somaliland u fadhiya magaaladda London Cali Aadan Cawaale, xubno ka socday jaaliyadda reer Somaliland ee ku dhaqan dalka UK, iyada oo ay sidoo kale afaafka hore iyo agagaarka halka uu shirkaasi ka dhacayay ay buux dhaafiyeen boqolaal ka mid ah jaaliyadda Somaliland ee ku nool wadamada qaarada Yurub.

Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis, oo xalay khadka telefoonka ugu waramay wargeyska DAWAN, isaga oo joogay magaaladda Sheffield, ayaa ka hadlay sida ay u arkaana arrintaasi, waxaanu sheegay in ay go’aankaasi u arkaan mid weyn oo ay filayaan in caalamka intiisa kalena ay ku daydaan isla markaana ay bilaw u tahay wadadii loo marayay ictiraafka Somaliland.

Wasiirku waxa uu ku dooday in golaha deegaanka Sheffield ay tallaabadan ku dhaqaaqeen ka dib markii ay arkeen inay Somaliland tahay dal waxyaabo badan qabsaday oo dimuqraadi ah isla markaana ay ka dhaceen doorashooyin badan oo xor ah, iyada oo ay hogaaminta dalka madaxweyneyaal badani iska-bedeleen.Waxaanu sheegay in markii golaha deegaanka Sheffield ay arrintaasi garwaaqsadeen ay go’aansadeen inay Somaliland u aqoonsadaan Jamhuuriyad madaxbanaan.
Isaga oo ka hadlayay sida ay u arkaan go’aanka golaha deegaanka Sheffield, waxa uu yidhi "Waxaanu u aragnaa guul weyn oo u soo hoyatay dadka reer Somaliland, waana guul aanu u aragno in maanta dad ka mid ah caalamku ay aqoonsadeen, oo ay ictiraafeen inay Somaliland buuxisay dhamaanba shuruudihii dawlad looga baahnaa, markaa waxaanu talllaabadaasi u aragnaa arrin weyn oo caalamka intiisa kalena ay ku dayan doonaan, waxaanu qabnaa inay bilawgii tahay, dadka reer Somaliland na maanta guul weyn ayaa u soo hoyatay, halkaasi ayaanay ka sii soconaysaa, waxaananu qabnaa in uu ictiraafkuna sidaas ku iman doono.”

Maxamed Biixi Yoonis waxa kale oo uu sheegay in mudaneyaasha golaha deegaanka magaaladda Sheffield ay u balanqaadeen in aanay halkaasi kaga hadli doonaan arrinta qadiyada Somaliland ay sii daba geli doonaan, iyaga oo u gudbin doona dalka Ingiriiska iyo ka ururka Midawga Yurub.isaga oo uga mahad celiyay jaaliyadda reer Somaliland ee degan magaaladda Sheffield dedaalkii dheeraa ee ay u soo mareen in ay hawshaasi hor geeyaan golaha deegaanka Sheffield. Waxaanu yidhi "Waxay noo balanqaadeen golaha deegaanka magaaladda Sheffield inay arrintani dabagelayaan oo ay gaynayaan ilaa baarlamaanka Ingiriiska iyo baarlamaanka Midawga Yurub, bulshada reer Somaliland ee ku dhaqan magaaladda Sheffield oo hawshan si sharaf leh u soo maamulayna mahad ayay ummadda ka mudan yihiin, waana wax aanay taariikhdu ilaawi doonin.”

Mar uu ka hadlayay u jeedada ay golaha deegaanka Sheffield arrintani ka leeyihiin, waxa uu yidhi "Dad badan ayaa isweydiinaya oo leh maxay dadka reer Sheffield waxan ay sidan ugu aqbaleen, waxaan leeeyahay dadkani waa dad dimuqraadi ah, waxay ictiraafeen oo ay arkeen inay Somaliland qabatay doorashoyin inay madaxweyneyaal isbedeleen, in shuruucdeedu ay hagaagsan yihiin, in dhamaanba wixii looga baahnaa dawlad dimuqraadi ah ay dhamaystirtay, markaa waxay caalamka tusayaan in aanay cidna u daba fadhiisanayn marka ay arkaan ummad isku filaatay oo hagaagsan, oo waxqabsatay inay is garab taagaan.”

Wasiirka oo aanu waydiinay waxa ay tallaabadani ka tari karto arrinta aqoonsiga oo ay Somaliland muddo dheer beesha caalamka ka sugaysay, waxa uu ku jawaabay "Waxaan qabaa inay tahay tallaabo hor leh oo cusub, oo maanta dhiirigelin doonta magaalooyin kale, oo dhiirigelin doonta dawlado kale, waxaanu qabnaa inay horseed u noqon doonto arrintii taariikhiga ahayd ee maanta (shalay) halkaasi ka dhacay in dad badani ay ku daydaan.”

Maxamed Biixi Yoonis, waxa kale oo uu faahfaahin ka bixiyay jawigii uu shirkaasi uu ku bilaabmay iyo halkii uu ku soo dhamaday, waxaanu yidhi "Doodaasi sidii ay ku bilaabantay waxay ahayd mid dareen xasaasi ah lahayd, waxaanay ka mid ahayd doodihii ugu waaweynaa eek a dhaca magaalo ka mid ah magaalooyinka dalkan UK, hal xildhibaan oo keliya ayaa ka aamusay, dhawr iyo sideetankii kaleba way isku raaceen, waxaanay ahayd dood dareen caadifadeed leh, oo dadka wada qabatay, aad ayaanay uga doodeen ugana hadleen xildhibaanadu. waxay xildhibaanadu aad uga hadleen waxyaabaha ay Somaliland qabsatay iyo halka ay marayso, cilaaqaadka taariikhiga ah eek a dhexeeya Sheffield iyo dadka reer Somaliland, oo halkan ku noolaa muddo badan oo jiilba jiil ku bedelay.”

Waxaanu intaasi raaciyay "Maanta (shalay) waxay ahayd maalin taariikhi ah oo ka dhacda golaha deegaanka Sheffield, dadka reer Somalilandna meel kastaba way isaga yimaadeen, dalalka Yurub iyo magaalooyinka kale ee dalkani Ingiriiska, markaa maanta (shalay) waxay ahayd maalin taariikhi ah” ayuu yidhi wasiirku.

Wasiirku waxa kale oo uu sheegay in aan loo fahmin in golaha deegaanka Sheffield ay iyagu awood u leeyihiin inay bixiyaan ictiraaf hase yeeshee ay arrintani tahay tallaabo hore loo qaaday. Waxaanu yidhi "Ictiraaf ay magaaladani bixisaa ma jiro hase yeeshee waa mid guul ah, waxa weeyi tallaabo hor leh, waana tallaabo ay ku dhiiradeen dadkeeni halkan ku noolaa inay hirgeliyaan, caalamka oo dhana waa loo gudbinayaa. Bulshada reer Somaliland ee magaalooyinka kale ku nool iyo wadamada kaleba waxaanu filaynaa inay iyaguna sidaasi si le’eg ay hawshaa u galaan”.


Afkashacabka.com

London /Office

Contact@afkashacabka.com