Qaraxyo Is Dabajoog Ah Oo Dalka Afganistan Qudha Lagaga Jaray Dad Gaadhaya 33-Qof.

0
Saturday April 18, 2015 - 21:41:26 in by salman abdi
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qaraxyo Is Dabajoog Ah Oo Dalka Afganistan Qudha Lagaga Jaray Dad Gaadhaya 33-Qof.

    Illaa 33 ruux ayaa ku dhimatay, boqol kalena waa ay ku dhaawacmeen, kadib weeraro ismiidaamin ahaa oo ka dhacay magaalada Jalalabad ee bariga dalka Afghanistan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Illaa 33 ruux ayaa ku dhimatay, boqol kalena waa ay ku dhaawacmeen, kadib weeraro ismiidaamin ahaa oo ka dhacay magaalada Jalalabad ee bariga dalka Afghanistan.


Weeraradan oo ahaa kuwo xigay, laguna fuliyay mooto ayaa lala eegtay goob Banggi ah oo ay lacagta ka qaadanayeen shaqaalaha dowladda.Saraakiisha Booliska ee Jalalabad ayaa sheegaya in qof saarnaa mooto uu fuliyay weerarka, sidoo kale wax yar kadib ayaa weerar kale dhacay.Kooxda Taaliban ayaa iska fogeysay weerarkan, waxaana ay ku tilmaameen fal aad u xun sida uu sheegay Afhayeen u hadlay. dawladda Afganistan

Laakiin weerarka waxaa sheegatay Kooxda Daacish ee dalka Afganistan, waxaana kooxda ay aheyd mid mudooyinkii u dambeeyay weeraro ka geysaneysay dalkaas.Madaxweynaha Afganistan Ashraf Ghani ayaa cambaareeyay weerarkan, waxaana uu ku tilmaamay in aan wax qiil ah loo heli karin, waana weerar argagixisinimo oo fuleynimo ah.

Dhinaca kale Ciidamada ammaanka ayaa sheegay inay baaritaano wadaan, waxaana jira waxyaabaha qarxa oo laga fur furay goobo la dhigay oo ag dhowaa halkii qaraxyada ka dhaceen.

Contact@afkashacabka.com