Daawo Muuqaal:-Maayar Ku Xigeenka Hargaysa Iyo Xog-Hayaha Oo Xadhiga Ka Jaray Biriij Iyo Garoon Cusub.

0
Saturday April 18, 2015 - 21:53:29 in by salman abdi
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daawo Muuqaal:-Maayar Ku Xigeenka Hargaysa Iyo Xog-Hayaha Oo Xadhiga Ka Jaray Biriij Iyo Garoon Cusub.

    Maayar ku xigeenka caasimadda Hargeysa iyo Xog-hayaha dawladda hoose ayaaa maanta xadhiga ka jaray mashaariic kala duwan oo laga hirgaliyey magaaladda Hargeysa.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maayar ku xigeenka caasimadda Hargeysa iyo Xog-hayaha dawladda hoose ayaaa maanta xadhiga ka jaray mashaariic kala duwan oo laga hirgaliyey magaaladda Hargeysa.

Mashaariicdan xadhiga laga jaray ayaa waxa ka mid ahaa Biriish laga dhisay xaafadda isku raranka ah ee State House iyo Garoon weyn oo laga hirgaliyey degmadda Macalin Haaruun ee bariga magaaladda Hargeysa.



Munaasibadan xadhiga lagaga jarayey mashaariicdan ayaa waxa ka soo qaybgalay, maayar ku xigeenka Caasimadda ahan ku simaha maayarka Caasimadda, Xogyaha dawladda hoose ee Hargeysa, xildhibaannada golaha Deegaanka, agaasimeyaasha waaxda hawlaha guud ee dawladda hoose iyo marti sharaf kale

Ku simaha maayarka caasimadda ahna maayar ku xigeenka Cabdicasiis Maxamuud Xaashi ayaa sheegay in mashaariicdan ay xadhiga ka jarayaan qaarkood iska kaashadeen mashruuca JPLG ee dawladaha hoose iyo qaar ay iyagu hirgaliyeen, waxaanu dadweynaha ugu baaqay inay cashuurta iska bixiyaan si wax loogu qabto oo wadooyin loogu dhiso.

 

Ku simaha duqa Caasimadda Cabdicasiis Maxamuud Xaashi oo arrintaasi ka hadlaya waxa uu yidhi "waxaynu maanta xadhiga ka jaraynaa Biriijkii isku xidhayey xaafadda State House taas oo baahi badan u qabatay, isla markaana khatar ku jiray inuu ku dumo iyadoo aanay jirin meel ay usoo maraan, waxaana biriijkan nagaga baxay dhawr iyo afartan kun sidaa darteed waa inay xaafaddu ilaashadaa, isla markaana qashinka aanay ku soo shubin, waxaana bariijka duminay marka qashin lagu shubo ee la gubo ama dab la qabadsiiyo ayuu dumayaa, marka walaalayaal ka ilaaliya qashinka aad ku soo shubaysaan, waxa kale oo u mahad naqayaa Mashruuca JPLG-ga oo qayb weyn ka qaatay dhismaha biriijkan”.

Sidoo kale, Xogyaha dawladda hoose ee Hargeysa, Ibraahim Axmed Raabi ayaa sheegay inay muhiim tahay inay dadka iyo dawladuba wada shaqeeyaan, isla markaana horumar weyn sidaas lagu gaadhayo, isagoo u mahad naqay hay’adaha iskaashiga wada leeyihiin ee mashruuca JPLG-ga oo uu xusay inay gacan ka geysteen.

Sidoo kale, waxay ku simaha maayarka ahan ku xigeenka Duqa Caasimadda Cabdicasiis Cago Weyne iyo Xogyaha dawladda hoose Ibraahim Raabi ayaa xadhiga ka jaray Garoon weyn oo laga hirgaliyey degmadda Macalin Haaruun, taas oo dhulka iyo dhismaha dawladda hoose hirgalisay.

Maayar ku xigeeku waxa uu shacabka ugu baaqay inay cashuurta iska bixiyaan, isagoo xusay in dadka lacagta leh ee aan cashuurta bixin warbaahinta ka sheegi doonaan, isagoo xusay in aanay suurogal ahayn in miskiinkuna cashuurta bixiyo ka taajirkuna cashuurta bixin waayo.

" waxaynu imika xadhiga ka jaraynaa garoon weyn oo loo dhisayo degmada Macalin Haarun, waydinka arkaya mashaariicda kala duwan ee aanu ka hirgalinayo Caasimada, sidaa darteed, waa in aad cashuurta bixisaan oo dadka lacagta leh lacagta bixiyaan, waxaana warbaahinta ka sheegi doonaan dadka taajiriinta ah ee aan cashuurta bixin, suuragalna maaha in miskiinka cashuurta bixiyo kii ladnaana cashuurta bixin waayo, walaalayaal cashuurta bixiya si qashinka la idinkaga guro si wadooyin aad u heshaan waa inaad cashuurta bixisaan”.

Sidoo kale, waxa iyaguna halkaasi ka hadlay masuuliyiin kale, kuwaas oo ku nuux nuuxsaday mashaariicda horumarineed ee ka socda caasimadda iyo kuwo ay maanta xadhiga ka jaray, iyago ay soo dhoweeyeen goobahan dadkii deganaa ee mashaariicdan laga hirgaliyey.

 

Contact@afkashacabka.com