WarDeg Deg Ah:Madaxweynaha Kenya, Oo Isku Shaandhayn Ku Sameeyay Golihiisa Wasiirada Iyo Taliska Guud Ee Ciidanka Milatariga Kenya

0
Saturday April 18, 2015 - 22:08:16 in by salman abdi
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    WarDeg Deg Ah:Madaxweynaha Kenya, Oo Isku Shaandhayn Ku Sameeyay Golihiisa Wasiirada Iyo Taliska Guud Ee Ciidanka Milatariga Kenya

    Madaxweynaha dalka Keya, Uhuru Kenyata, ayaa Isku-shaandhayn kooban, ku sameeyay xilka hogaanka taliska ciidanka milatariga, iyo golaha Wasiiradda, kaddib, sababo la xidhiidha weerarkii lagu hoobtay ee dhawaan lagu qaaday Jaamacadda Gerresa.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha dalka Keya, Uhuru Kenyata, ayaa Isku-shaandhayn kooban, ku sameeyay xilka hogaanka taliska ciidanka milatariga, iyo golaha Wasiiradda, kaddib, sababo la xidhiidha weerarkii lagu hoobtay ee dhawaan lagu qaaday Jaamacadda Gerresa.


Madaxweynaha Kenya, waxa uu u magacaabay Taliyaha cusub ee ciidanka milatariga Kenya, in uu noqdo Samsom J. Mwathethe, oo uu u dalacsiiyay darajada Jeneraalnimada , kaddib markii uu taliyiihi hor Gen.Julius Karangi, uu hawl-gab noqday, Sidoo kale wuxuu Madaxweynuhu taliye ku=xigeenka ciidanka milatariga uu u magacaabay Lt-Gen.Joseph Kasaon.

Dhinaca kale, waxa uu Madaxweynaha Kenya isku-shaandhayn kooban ku sameeyay golihiisa Wasiirada, isaga oo Mr Eugene Wamalwa, u magacaabay in uu noqdo Wasiirka Wasaarada Biyaha iyo Waraabka, halka uu Monica Juma, uu u magacaabay in ay noqoto Xoghaynta Golaha Wasiirada.

 

Sidoo kale, Major-Gen Gordon Kihalangwa, ayuu Madaxweynuhu u magacaabay xoghayaha guud ee wasaarada arimaha gudaha iyo amniga, halka Mr Nzioka Waita, loo magacaabay xoghaynta mid kamid ah Waaxaha Madaxtooyada.




Contact@afkashacabka.com