Wacdaraha Bandhig Suugaaneedkii Abwaan Dhinbiil ee Berbera iyo Naadiyada Akhriska Burco, Berbera iyo Borama oo ku kulmay+SAWIRO

0
Sunday April 19, 2015 - 07:53:59 in by salman abdi
  • Visits: 712
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wacdaraha Bandhig Suugaaneedkii Abwaan Dhinbiil ee Berbera iyo Naadiyada Akhriska Burco, Berbera iyo Borama oo ku kulmay+SAWIRO

    Naadiga Akhriska ee Berbera ayaa xalay suugaanta hal abuur da'yar oo reer Borama ah ku soo bandhigay Hoolka Jaamacadda Badda ee Berbera.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Naadiga Akhriska ee Berbera ayaa xalay suugaanta hal abuur da'yar oo reer Borama ah ku soo bandhigay Hoolka Jaamacadda Badda ee Berbera.

Munasibadddaas oo ay ka soo qaybgaleen Gudomiyekuxigenka Gobolka Xamud Xusen, Maayarka Berbera Cabdishakur Ciddin, isuduwaha Diinta iyo awqaafta gobolka Saaxil, masuliyiin ka socotay Dekedda Berbera, Agaasimayaasha, Maaliyadda, Qorshaynta, Arrimaha Bulshada iyo Shaqaalaha ee Dawladda Hose Burco, Masuliyinta Iyo Xubnaha Naadiyada Akhriska ee Berbera, Burco iyo Borama, iyo Dhalinyaro kale oo tiro badan.

Munasibaddaas waxa ugu horeyn Furay Guddomiyaha Naadiga Akhriska ee Berbera Bedri Cisman Jamac, Waxana uu ka sheekeyey Ahmiyadda aasaaska Naadiga, Waxyaabaha ay dhiirigeliyaan iyo Bandhiga ay Caawa u fadhiyaan, sido kale wuxu tilmaamay in muddadii naadigu jiray ay gaadheen guulo badan sida in Berberi yeelato Maktabad Public ah oo Bulshadu ka faaidaysato, waxa kaloo uu bogaadiyey Naadiyada ADKAW Borama iyo Halkaraan Burco oo Gobolo kale uga YImi Bandhigan,

Waxa iyaguna Halkaas Suugaan Tiro badan ka soo jeediyey Abwaanada iyo Hal abuurka Gobolka Saaxil oo ay ka mid ahaayeen Cabdi Gaydh, iyo Cabdinaasir Afrika, waxana kelmado dhiirigelin iyo Dardaaran isugu jiray halkaas ka soo jeediyey Masuliyiin kala duwan oo ka socotay Qaybaha Dhalinyarada iyo dekedda berbera.

Waxa kaloo Munasibadda ka hadlay Guddomiyaha Naadiga Halkaraan Burco Bashiir Racdeeye, Guddomiyekuxigenka Naadiga ADKAW Borama Ayanle Abdirahmaan, iyo Afhayeenka Naadiga Halkaraan Mustafe Magaalo, Dhammaantood waxay sharaxeen Ahmiyada Qalinka iyo Buuga iyo faaidooyinka Wax akhriska Waxayna Dhalinyarada iyo Bulshada qaybaheeda kala duwan ee Gobolka Saaxil ku dhiirigeliyeen inay Maktabadda loo dhisay ka faaidaystaan oo wax akhriska ku dedaalaan iyagoo tusalayaan Badan u soo qaatay Guulaha Qofka Wax akhriya, waxayna sido kale ammaan Ballaadhan u soo jeediyeen una mahadnaqeen Madaxda degmada Berbera iyo Naadiga Akhriska iyo Qoraalka ee Berbera.

Abwaan Mustafe Barkhad Dhinbiil oo ahaa Hal abuurka Martida loo ahaa habeenkan ayaa suugaan isugu jirta, Dardaaran, Wacyigelin iyo Jacbur qosol badna oo ammaanta lamaanayaasha iyo jacaylka uu ka tiriyey halkaas ku soo bandhigay, wuxuna aad uga hadlay dhalinyaradana uga wacyigeliyey Aafada Tahriirbta isagoo qisooyin dhacay iyo dhacdooyin tiro badan u soo qaatay dhibaatada tahriibka.

Gebogabadii Waxa munasibadda Soo xidhay Badhasabkuxigenka Gobolka Saaxil iyo maayarka Berbera Xamud Xusen iyo Cabdishakur cidin, waxaynta dhalinyarada ku gubaabiyeen inay ka faaidaystaan Fursadaha ay haystaan iyagoo wax lagu farxo ku tilmaamay jaanisyada ay dhalinyaradu haystaan iyo siday u dedaalayaan ee ay uga faaidaysanayaan, waxanay naadiyada akhriska ee dalka ku ammaaneen doorkooda horumarinta aqoonta ee ay ku hawlan yihiin, waxana munasibadda su’aalo lagu waydiiyey Abwaan dhinbiil iyadoo sidoo kalena hadyado kala duwan lagu guddoonsiiyey halkaas, halka uu isna buug guddoonsiyey hal abuuro iyo madaxda nadiga akhriska ee berbera

HALKAN HOOSE KA DAAWO SAWIRADA XAFLADDA