General Mwathethe oo Madaxweynaha Kenya u Magacaabay Taliyaha Ciidamadda Milleteriga Dalkaas.

0
Sunday April 19, 2015 - 08:09:00 in by salman abdi
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    General Mwathethe oo Madaxweynaha Kenya u Magacaabay Taliyaha Ciidamadda Milleteriga Dalkaas.

    Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa u magacaabay General Mwathethe taliyaha cusub ee ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa u magacaabay General Mwathethe taliyaha cusub ee ..

ciidamada milatariga dalka Kenya kadib markii uu iska casilay taliyihii hore General Julius Karangi.

General Karangi ayaa lagu eedeeyay sidii ay ciidamada Milatariga dalka Kenya ugaga jawaabeen weerarkii lagu qaaday xarunta ganacsiga ee magaalada Nairobi sanadkii 2013.

Ciidamada dalka Kenya ayaa lagu eedeeyay in ay dhac ka geysteen gudaha xarunta ganacsiga mudadii afarta cisho ahayd ee ay dableydii weerartay ay haysatay.

Hase yeeshee General Karangi ayaa qirtey in ciidamada ay dhac geysteen isla markaana shaqadii laga eryay labo sarkaal oo ka tirsanaa ciidamada.

Bishii December ee sanadkii hore ayaa madaxweynaha Kenya waxa uu magacaabay wasiir cusub oo arrimaha gudaha iyo taliyaha ciidamada Booliska.Dawlada Kenya ayaa waxaa culeys weyn ku haya sidii ay u sugi lahayd ammaanka dalkeeda kadib weeraro ay ku qaadeen xooggaga Alshabaab.

Horaantii bishan ayaa maleeshiyaad ka tirsan ururka Alshabaab waxa ay gudaha u galeen jaamacad ku taal magaalada Garissa iyagoo halkaa ku diley dad gaaraya 148 ruux.