War Deg Deg ah: Madaxweynaha Somaliland oo Xilkii ka Qaday Guddomiyihi Maxkamadda Sare

0
Sunday April 19, 2015 - 08:25:53 in by salman abdi
  • Visits: 683
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    War Deg Deg ah: Madaxweynaha Somaliland oo Xilkii ka Qaday Guddomiyihi Maxkamadda Sare

    Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa caawa xilkii ka qaaday Guddoomiyihii Maxakamada Sare ee Somaliland Dr. Yuusuf Ismaaciil Cali.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa caawa xilkii ka qaaday Guddoomiyihii Maxakamada Sare ee Somaliland Dr. Yuusuf Ismaaciil Cali.


 

Wareegtada uu madaxweynuhu xilka kaga xayuubiyay Guddoomiyaha Maxakamada Sare oo goor dhaweyd uun ka soo baxday Qasriga Madaxtooyada oo uu nuqul ka mid ahi soo gaadhay shabakadda warar ee Somalilandtoday.com waxay u dhignayd sidan.

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane. Axmed Maxamed Silaanyo

waxa uu digreeto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/M/XERM/249-3197/042015 xilkii uu qaranka u hayey kaga qaaday Guddoomiyihii Maxkamadda Sare, isaga oo madaxweynuhu dib ka soo magacaabi doona masuulkii buuxin lahaa gudoomiyenimada.

Madaxweynuhu:-

Markuu Arkay: Qodobka 90aad Ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Arkay: Qodobka 105aad, Faqradiisa 3aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Arkay: Warbixintii iyo talo soo jeedintii Guddida Cadaaladda, taasoo tilmaamaysay in ay adagtahay wada shaqaynta Gudoomiyaha Maxkamadda Sare iyo Guddida Cadaaladdu;

Markuu Arkay: Cabashooyinka is-dabajoogga ah ee dadweynuhu ka muujiyeen Guddoomiyaha Maxkamadda Sare iyo Garsoorka Dalka;

Markuu Yaqiinsaday: In loo baahan-yahay isbeddel lagu sameeyo Garsoorka iyo Cadaaladda Dalka;

Wuxuu Go’aansaday

In laga bilaabo taariikhda maanta uu xilkii Guddoomiyenimo ee Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland ka qaado Mudane, Yuusuf Ismaaciil Cali.” Ayaa lagu yidhi war-saxafadeedka.