Safiirkii Hore Ee Somaliland U Fadhiyay Bakistan Oo Ka Hadlay Doorashoooyinka, Cadaalada Iyo Digreetadii XalayKa Soo Baxday Madaxtooyada

0
Sunday April 19, 2015 - 12:53:01 in by salman abdi
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Safiirkii Hore Ee Somaliland U Fadhiyay Bakistan Oo Ka Hadlay Doorashoooyinka, Cadaalada Iyo Digreetadii XalayKa Soo Baxday Madaxtooyada

    Safiirkii hore ee Somaliland u fadhiyay dalka Baakistaan Danjire Cabdirisaaq Axmed-toor (Diinaari) oo kamid ah masuuliyiinta sare ee Xisbiga WADDANI ayaa ka hadlay xaaladda caddaaladda iyo garsoorka Somaliland oo u muuqda kuwo god madawku dhacay,sido

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Safiirkii hore ee Somaliland u fadhiyay dalka Baakistaan Danjire Cabdirisaaq Axmed-toor (Diinaari) oo kamid ah masuuliyiinta sare ee Xisbiga WADDANI ayaa ka hadlay xaaladda caddaaladda iyo garsoorka Somaliland oo u muuqda kuwo god madawku dhacay,sidoo kale waxa uu Ambassadorku ka hadlay doorashooyinka la filayo in ay ka dhacaan Somaliland...



Waxaanu arrimahaas kaga hadlay bayaan uu soo saaray isaga oo ku sugan dalka Denmark oo u dhignaa sidan Cadaaladda Dalka Maha Meeshey Ka Dhimatey Gudomiyaha Maxkmadda Sare. Tusaale Ahaan 2011k kii. Buu ka Qaadey Xilka Gud Maxkamadda Sare Ee Ina Omane. Madaxweyne Siilaanyo 3 Sano Buu Hadeer Gudomiyahani Xilka Hayay waxba Iskama Bedelin Cadladdii Dalka. Sababtoo Ah Cadaaladdu waxey ka dhimatey. Kelmadii uu Xil wareejitii Ina Omane Aheyd.

 

Cadaladda Dalka Ceelna Uma Qodna Ciddina uma maqna Aheyd. shirkii Caladda ee ka dhacey Mansoor Hotel Cadaladda Dalku Waxey Ka dhimatey Madaxtoyadda waayo waxu Sheegey Kiis Walba oo ey Xukumaan Maxkamadaha Dalku. Waxa Xukunkaas Bedela Madaxtoyadda oo Dano Shaqsi ah ama Siyaadeed uga faa iideysata. Markaa waxba keeni meyso calaladd Saxeexa Madaxtoyaddu ka danbeyo.

Waayo Caladd Madax baninideeddii loo Diidey oo Kiis Walba ey ka daba tageyso Madaxtoyaddu Adeer waxba iska Bedeli. Mayaan. Waxana ku soo Kobayaa Cadladda Dalku waxey U bahan tahey In Isbedel Dhab oo Dalkan ka Dhaco ee uma Baahna Gasoore La Bedelo.

Garsoorena Xil Ma Warejiyee. Garsoore Wax Buu xukuma. Ee Luuqadda Digreetadda ka Soo Baxeysaa Madaxtoyadda iyo erayadda lagu qorayo Hala Saxo.

Dalkuba Isbedel Caafimaad qaba Iyo Doorashada Oo Qabsonta Baa Shcabka reer Somaliland ka Sugayaa iyo iney Xukumaddu Tageerto. War Bixinta ka soo baxi Doonta Wiiga Danbe Komishanka Dorashoyinka Qaranka Taaso ah Road Mapkii Dorashsadda Somailand ha Guuleysato 



Contact@afkashacabka.com