Xarakada Al-shaab Oo Weerar Jidgooyo Ah Ku Qaaday AMISOM.

0
Sunday April 19, 2015 - 22:05:01 in by salman abdi
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xarakada Al-shaab Oo Weerar Jidgooyo Ah Ku Qaaday AMISOM.

    Kolonyo ay la socdeen Ciidamada AMISOM ayaa maanta barqadii lagu weeraray agagaarka deegaanka Yaaqbariweyn ee gobolka Shabeellaha Hoose, iyadoo warar kala duwan uu ka soo baxayo khasaaraha ka dhashay weerarkan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kolonyo ay la socdeen Ciidamada AMISOM ayaa maanta barqadii lagu weeraray agagaarka deegaanka Yaaqbariweyn ee gobolka Shabeellaha Hoose, iyadoo warar kala duwan uu ka soo baxayo khasaaraha ka dhashay weerarkan.


Sida wararku sheegayaan dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ayaa wadada u galay kolonyadan oo gaarayay ilaa shan gaari, waxaana halkaas ku dhex maray dagaalo muddo socday. Dadka deegaanka ayaa ku soo waramaya inay maqlayeen rasaas iyo qaraxyo xoogan, isla markaana dagaalka uu ahaa mid aad u cuslaa.

 

Al-Shabaab ayaa sheegatay in labo ka mid ah kolonyadii Ciidamada AMISOM ay gubeen, kuwaasoo kala ahaa gaari kuwa qafilan iyo gaari booyad ah. Sidoo kale Al-Shabaab ayaa sheegtay in weerarkan ay ku dileen ilaa shan askari oo ka mid ah Ciidamada ka socda Brundi, ayna meydadkooda gacanta ku hayaan.

Dhinaca kale weerarkan ayaa saameyn ku yeeshay dhaq dhaqaaqa gaadiidka ee wadada isku xirta Muqdisho ilaa Baydhabo, waxaana gawaari ka kala baxay Muqdisho iyo Baydhabo ay ku xaniban yihiin wadadaas, kuwaasoo aan wali isu gudbin.

Ciidamo fara badan oo lugeynaya ayaa gaaray halka lagu weeraray kolonyada ciidamada AMISOM, waxaana wali jirin wax war ah oo ka soo baxay Taliska AMISOM oo ku aadan weerarkan ay Al-Shabaab sheegatay in khasaare xoog leh ku gaarsiisay. Dhinaca kale Al-Shabaab ayaa sheegatay weerar ay ku qaaday Ciidamada Kenya, meel ku dhow degmada Dhoobley, waxaana ay tilmaamtay inay ku dishay askar Kenyan ah.

Contact@afkashacabka.com