Taliska guud ee ciidamada AMISOM oo xaqiijisay in sadex Askari looga dilay dagaal ka dhacay Gobolka Shabeellada Hoose

0
Monday April 20, 2015 - 10:27:24 in
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taliska guud ee ciidamada AMISOM oo xaqiijisay in sadex Askari looga dilay dagaal ka dhacay Gobolka Shabeellada Hoose

    Taliska guud ee ciidamada AMSIOM ayaa xaqiijiyay in saddex ka mid ah ciidamadooda lagu dilay weerar gaadmo ah oo ay xoogag ka tirsan Al-shabaab ay ku qaaday maanta kolonyo gaadiid ah oo ay ciidamadoodu wateen.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Taliska guud ee ciidamada AMSIOM ayaa xaqiijiyay in saddex ka mid ah ciidamadooda lagu dilay weerar gaadmo ah oo ay xoogag ka tirsan Al-shabaab ay ku qaaday maanta kolonyo gaadiid ah oo ay ciidamadoodu wateen.

Weerarkan ayaa ka dhacay deegaan u dhexeya deegaanka Leego ee gobolka Shabeellada Hoose iyo degmada Buurhakaba ee gobolka Bay ayay AMISOM sidoo kale ku sheegtay in Al-shabaab ay ka dhaawacday tiro kale oo ciidamadooda ka mid ah, balse laguma sheegin warka AMSIOM tiro sugan.

Danjiraha Midowga Afrika ee Somalia, Maman S. Sidikou ayaa sheegay in weerarkan uu ahaa mid fulaynimo ah, isagoo xusay in askartooda lagu dilay weerarka ay dhinteen iyagoo is-difaacaya.

"Weerarkan lagu qaaday ciidamada AMISOM wuxuu ka mid ahaa kuwa lagu qaado iyagoo u adeegaya shacabka Soomaaliyeed. Wuxuu ahaa isku-day ay Al-shabaab ku doonayso inay ku carqaladeyso horumarka la gaaray,” ayuu yiri danjire Sidikou.

Isagoo sii hadlaya ayuu danjire Sidikou yiri. "Dhiiga walaalaheen askarta ah ee u adeegayay shacabka Soomaaliyeed ma illoobi doonno, AMISOM-na way sii wadaysaa howlaha nabad-ilaalinta ah ee ay kawaddo Soomaaliaya.”

Ugu dambeyn, danjire Maman Sidikou wuxuu tacsi u diray qoysaskii iyo ehelladii askartii lagu dilay dagaalkii maanta ka dhacay Shabeellada Hoose, isagoo kuwa dhaawacmayna u rajeeyay caafimaad dhaqso badan.

Mas’uuliyaddaweerarkan ayaa waxaa sheegatay Xarakada Al-shabaab, iyadoo afhayeenka howlgallada ee Al-shabaab uu warbaahinta u sheegay in weerarkan ay ku dileen shan askari oo ka tirsan ciidamada Burundi ee qaybta ka ah AMISOM, ayna ku gubeen saddex gaari oo kuwa dagaalka ah


.Contact@afkashacabka.com