Safaaradda S/land ee Adis-ababa Oo Markii U Horaysay Yeelatay Xafiis U Qalma Oo Casri Ah Iyo Nuxurka Qorshe Cusub Oo Loo Sameeyey Nidaamkii Uu U Shaqayn Jiray

0
Monday April 20, 2015 - 13:08:10 in by Burco Office
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Safaaradda S/land ee Adis-ababa Oo Markii U Horaysay Yeelatay Xafiis U Qalma Oo Casri Ah Iyo Nuxurka Qorshe Cusub Oo Loo Sameeyey Nidaamkii Uu U Shaqayn Jiray

    Xafiiska safaaradda Somaliland ee magaaladda Adis-ababa ee xarunta dalka Ethiopia ayaa ka guuray xaruntii ay hore u deganayd, taas oo loo raray dhisme ka haboon oo ay u dhan yihiin dhamaan adeegyadii looga baahnaa ka safaraad ahaan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xafiiska safaaradda Somaliland ee magaaladda Adis-ababa ee xarunta dalka Ethiopia ayaa ka guuray xaruntii ay hore u deganayd, taas oo loo raray dhisme ka haboon oo ay u dhan yihiin dhamaan adeegyadii looga baahnaa ka safaraad ahaan.


Iyadoo tan iyo intii dhismahan cusub ay gashay safaaradii Somaliland ee Adis-ababa waxa isbedel wayni ku yimid nidaamkii shaqo ee ay hawsheedu u socotay, taas oo si aanay bulshadu markii hore ugu xidhnayn ay wakhtigan ugu xidhantay xafiiska isla markaana dadka imanaya Somaliland ayaa si habsami ah uga soo qaata fiisaha dalka ay kusoo galayaan.

Sidoo kale mudadii ku simaha safiirka xafiiskaasi uu ahaa safiir ku xigeenka safaaradda Somaliland ee Adis-ababa Ayaanle Salaad ayuu xafiiskaasi ku talaabsaday horumar balaadhan oo la taaban karo, iyadoo ay markii u horaysay xidhiidh dhaw xafiiskaasi la yeeshay safaaradaha kale ee dalalka daneeya arrimaha Somaliland ee magaaladda Adis-ababa oo tiradoodu aad sare ugu kacday.

 

Dhinaca kale awooda siyaasadeed ee Safaaradda Somaliland ee Ethiopia ayaa sare u kacay mudooyinkii u danbeeyey, iyadoo uu xafiiskaasi door firfircoon ku lahaa waftigii Ethiopian-ka ahaa ee dhawaan Somaliland yimid, isla markaana xafiiskaasi ayaa kaalin mihiim ah ku leh xidhiidhka iyo wada-shaqaynta ay Somaliland iyo Ethiopia ka leeyihiin dhinacyada amniga, nabadgalyada iyo ganacsigaba.  





Contact@afkashacabka.com