War Deg deg: Ciidanka Amaanka Togdheer Oo Xabsiga Faarax Omaar u Taxabay Suldan Maxamed Cune

0
Monday April 20, 2015 - 19:09:50 in
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    War Deg deg: Ciidanka Amaanka Togdheer Oo Xabsiga Faarax Omaar u Taxabay Suldan Maxamed Cune

    Ciidanka Amaanka Gobalka Togdheer Gaar ahaana Ciidanka Saldhiga Faarax Omar Ee Magalada Burco Oo Kashanaya Gudomiyaha Maxkamada Degmada Burco ayaa Maanta Duhurkii Xabsiga u Taxabay Suldaan Maxamed Muuse Cune

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidanka Amaanka Gobalka Togdheer Gaar ahaana Ciidanka Saldhiga Faarax Omar Ee Magalada Burco Oo Kashanaya Gudomiyaha Maxkamada Degmada Burco ayaa Maanta Duhurkii Xabsiga u Taxabay Suldaan Maxamed Muuse Cune

Oo ka Mid ah Saladiinta Gobalka Togdheer iyo Waliba Aqoonyahan Khadar Kaariye,

Xadhiga Suldaanka iyo Aqoonyahan ayaa la Sheegay inay Ciidanka ilaalada Saldhiga Faarax Omaar burco ay Amraan isla markaasna ay ka danbeyeen Taliyaha Saldhigaasi Faarax omar Oo sida la Shegay Kaashanaya isla mar ahaantasna Gacan ka Helaya Gudomiyaha Maxkamada Degmada burco,

Ilaa iyo imika lama garanayo sababta dhabta ah ee ka danbaysay xadhiga loo gaystay suldaan maxamed muuse cune iyo waliba aqoonyahan khaddar kaariye,

Taliyaha Saldhiga Faarax Omaar Ee Magalada Burco ayaa isagu mudooyinkii u danbeyayba caadaystay

inuu xadhig u Gaysto Dad Shacab ah Oo An Waxba Galabsanin,

Dhinaca Kale Wararka Hada na soo Gaadhaya ayaa sheegaya in taliyihii saldhiga faarax omar uu ku Dalacay ololihii uu dhawaan gudomiyaha xisbiga kulmiye iyo gudomiye ku xigeenka xisbigaasi maxamed kaahin ay ku yimadeen magalada burco taasi oo uu taliyuhu si toosa isu garab taagay gudomiye ku xigeenka xisbiga kulmiye maxamed kaahin isla mar ahaantasna uu waftigii xisbiga kulmiye u raacay Gobalka Daad-madheedh Oodweyne,