"Mucaaradku Hadday Ku Adkaystaan Oo Ay Yidhaahdaan Shir Qaran Baanu Qabanaynaa Tallaabo Ayaa Laga Qaadayaa, Waayo.." Jamac Shabeel

0
Tuesday April 21, 2015 - 12:23:56 in by salman abdi
  • Visits: 625
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Mucaaradku Hadday Ku Adkaystaan Oo Ay Yidhaahdaan Shir Qaran Baanu Qabanaynaa Tallaabo Ayaa Laga Qaadayaa, Waayo.." Jamac Shabeel

    Jaamac Ismaaciil Cige (Jaamac Shabeel), Guddoomiyaha Golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE ayaa sheegay in xukuumaddu ay tallaabo ka qaadeyso ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Jaamac Ismaaciil Cige (Jaamac Shabeel), Guddoomiyaha Golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE ayaa sheegay in xukuumaddu ay tallaabo ka qaadeyso ...

xisbiyada Mucaaradka iyo kooxda Madasha Wada Tashiga hadday ku adkaystaan qabashada shir ay ugu yeedheen Talo Qaran, kaasi oo ay u muddeeyeen toddobaadka soo socda.

Jaamac Shabeel oo xalay khadka Telefoonka ugu waramay Wargeyska Somalilandtoday, ayaa Isbahaysiga Mucaaradka ugu baaqey in haddii ay doonayaan inay qabsadaan shir u gaar ah ay beddelaan Magaca shirkaasi, laakiin aanay odhanin shir qaran baanu qabanaynaa.

Guddoomiyaha Golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE oo arrimahaa ka hadlayaana waxa uu yidhi "Hadday doonayaan inay shir qabtaan Magac kale ha ula baxaan, Shir Qaran ma qaban karaan, xaqna uma laha, waayo qaranka cid baa matasha, Madaxwaynaha ayaa matala Qaranka. Haddii ay dawladda wax ka tabanayaan ha la xidhiidhaan”

Guddoomiye Shabeel oo la waydiiyey in iyagu ay arrintan kala xidhiidheen labada xisbi Mucaarad, ayaa ku jawaabay "Labada xisbi Qaran iyagaa xaq u leh hadday shir wada qabsanayaan, laakiin shirkooda waa in aanay ugu yeedhin Shir Qaran ee ay Magac kale ula baxaan, haddii ay shir Qaran ula baxaana iyagaa bad galay, waayo qofku hadduu galo wax aanu awood iyo sharci u lahayn, wixii kaga yimaadda isagaa isku qaba….” Ayuu yidhi, waxaanu intaasi ku daray "Hadday ku adkaystaan oo ay yidhaahdaan Shir Qaran baanu qabanaynaa tallaabo ayaa laga qaadayaa, dalku miyuu baaba’ay”

Jaamac Shabeel, waxa kale oo uu sheegay "Waxaan leeyahay xaqiiqada haku soo dhawaadaan, waayo shir Qaran iyo dawlad ku meel gaadh ahi wax shaqeynaya maaha, waddankuna hadal badan uma baahna…”ayuu yidhi.