Ban Ki Moon Oo Ka Hadlay Weerarkii Xarunta UN-ka Ee Garoowe.

0
Tuesday April 21, 2015 - 12:28:46 in by salman abdi
  • Visits: 379
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ban Ki Moon Oo Ka Hadlay Weerarkii Xarunta UN-ka Ee Garoowe.

    Bayaan ka soo baxay xafiiska Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey Ban Ki-moon ayaa si adag loogu

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Bayaan ka soo baxay xafiiska Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey Ban Ki-moon ayaa si adag loogu

canbaareeyey weerarkii Subaxnimada Isniinta ka dhacay caasinmadda Puntland ee Garowe kaas oo la aaminsan yahay in uu fuliyey qof naftiisa haligey oo bom isku xidhey.


Weerarkan oo ururka al-Shabaab shegetey waxaa ku dhintey 4 kamid ah shaqaalaha hay’adda UNICEF, laba waardiye iyo kii is qarixiyey oo todoba ku ah.
Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey Ban Ki-moon ayaa tacsi tiiraanyo leh u direy dhamaan dadkii dhibtu ka soo gaadhey weerarkaas, oo helekoodi ku waayey, waxaana uu caafimaad u rajeeyey kuwii ku dhaawacmey. Mr. Ban Ki-moon ayaa si adag u canbaareeyey weerarka lagu qaadey shaqaalaha Qaramada Midoobey, kuwaas oo ka shaqeynaayey arrimaha bini’aadanimada hormarinta, gacan siinaayey dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan caruurta dalka, kuwaas oo baahi gaar ah qaba, ayuu yiri Ban Ki-moon.

 

Xoghayaha Qaramada Midoobey Ban Ki-moon ayaa sheegey in falalka argagixisada ee caynkan oo kale ah aysan ka joojineyn taageerada Qaramada Midoobey ay la garab taagan tahay dadka iyo dowladda Soomaaliyeed, sida soo celinta nabadda iyo barwaaqeynta dalka.

Maamulka Puntlan ayaa baaritaan ku wada qofka la aaminsan yahay in uu is qarxiyey kaas oo madaxiisa keliya badbaadey, isla amrkaana dheeraad ku ahaa shaqaalaha la garanayo magacyadooda