Kulan Dhex Maray Wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland Iyo Wasiirka-ku-xigeenka Arrimaha Dibedda Ee Dalka Taliyaaniga+Sawiro

0
Thursday April 23, 2015 - 18:33:22 in by salman abdi
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kulan Dhex Maray Wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland Iyo Wasiirka-ku-xigeenka Arrimaha Dibedda Ee Dalka Taliyaaniga+Sawiro

    Wasiirka Arrimaha Dibedda Mudane, Maxamed Biixi Yoonis ayaa kulan kula yeeshay Magaalada Roma ee dalka Taliyaaniga Mudane, Lapo Pistelli Wasiir ku xigeenka Arrimaha Dibedda dalka Taliyaaniga.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Arrimaha Dibedda Mudane, Maxamed Biixi Yoonis ayaa kulan kula yeeshay Magaalada Roma ee dalka Taliyaaniga Mudane, Lapo Pistelli Wasiir ku xigeenka Arrimaha Dibedda dalka Taliyaaniga.

Labada wasiir ayaa kulan ay ku qaateen Xarunta Wasaarada Arrimaha Dibedda ee dalka Taliyaaniga kaga wada hadlay arrimo muhiim ah oo ay ka mid yihiin

1) Cilaaqaadka labada wadan ee dhinacyada iskaashiga iiyo horumarinta

2) Qadiyada Madaxbanaanida Somaliland iyo sidii ictiraaf uga heli lahaayeen wadamada reer Yurub ee Taliyaanigu ka mid yahay

3) Sidii dawlada Taliyaanigu uga mid noqon lahaayeen Sanduuqa horumarinta Somaliland

Kulan oo labada masuul ay kaga wada hadlayeen arrimahaasi kor ku xusan sidii loo dardargalin lahaa iskaashi iyo xidhiidh cusub oo labada wadan ay yeeshaan ayaa la isla afgartay badiba qodobadii laga wada hadlay iyo sidii loo sii amba qaadi lahaa.

 

Wasiir Maxamed Biixi Yoonis ayaa ka dhoofay caawa Magaalada Roma ee dalka Taliyaaniga isaga oo saacada soo socota ka dagi doona Magaalada London oo kulan kula yeelan doono Masuuliyiin ka tirsan dawlada Ingiriiska.

Contact@afkashacabka.com