Dawladda Faransiiska Oo Fashilisay Shan Weerar Argagixiso Oo La Rabay In Dalkaas Laga Fuliyo.

0
Thursday April 23, 2015 - 18:39:56 in by salman abdi
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dawladda Faransiiska Oo Fashilisay Shan Weerar Argagixiso Oo La Rabay In Dalkaas Laga Fuliyo.

    Booliska Faransiiska ayaa sheegay inay fashiliyeen ilaa shan isku day weeraro argagixiso ah oo bilihii la soo dhaafay laga geysan lahaa dalkaas, iyadoo ciidamada ammaanka la geliyay heegan buuxa.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Booliska Faransiiska ayaa sheegay inay fashiliyeen ilaa shan isku day weeraro argagixiso ah oo bilihii la soo dhaafay laga geysan lahaa dalkaas, iyadoo ciidamada ammaanka la geliyay heegan buuxa.



Ra’iisul Wasaaraha Faransiiska Manule Valls ayaa sheegay in ciidamada amniga ay ka feejigan yihiin qorshayaal weeraro ah oo ay maleegayaan argagixisada. Waxaa uu sheegay in weerarkii u dambeeyay ee la qorsheynayay in lagu qaado uu ahaa Kaniisad ku taal duleedka magaalada Paris.

Nin Algerian ah ayay Sabtidii Ciidamada Faransiiska u xireen inuu ku lug lahaa qorshaha weerarkaas.

Faransiiska ayaa ciidamo fara badan oo amniga ah dhigay meelaha muhiimka ah ee dalkaas, wixii ka dambeeyay weerarkii lagu qaaday bishii Janaayo ee sanadkan Xarunta Wargeyska Charlie Hebdo iyo xarun ganacsi ay leeyihiin Yuhuuda.

Contact@afkashacabka.com