Dawlada Hoose Ee Hargaysa Oo Wado Banayn Ka Bilawday Degmada Gacan Libaax+Sawiro

0
Thursday April 23, 2015 - 18:44:02 in by salman abdi
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dawlada Hoose Ee Hargaysa Oo Wado Banayn Ka Bilawday Degmada Gacan Libaax+Sawiro

    Maayar ku xigeenka Caasimada iyo Xo-hayaha Dawlada Hoose ee hargaysa Ibraahin Axmed Raabi ayaa ka qayb galay munaasibada degmada gacan libaax ku soo dhawaysay dawlada hoose fariimana ugu Dirtay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maayar ku xigeenka Caasimada iyo Xo-hayaha Dawlada Hoose ee hargaysa Ibraahin Axmed Raabi ayaa ka qayb galay munaasibada degmada gacan libaax ku soo dhawaysay dawlada hoose fariimana ugu Dirtay.


Munaasibada oo uu soo qaban-qaabiyay guddoomiyaha degmada Gacan libaax ayaa sheegay in ay dawlada hoose waxqabad balaadhan u qabtay shacabka ku dhaqan degmada,Madashan ugu talo galeen in ay ugu mahad naqaan.




waxa uu cadeeyay Guddoomiyahu in Dawlada hoose Wado banayn Ka bilaabi Doonto degmada isla markaas maalinta sabtida iman Doonaan Cafagyadii iyo Iska ragooyinkii dawlada hoose.

Maayarku xigeenka Cabdi Casiis Cagowayne iyo Xog-hayaha Dawlada hoose ayaa shegeen in Ay loo baahan yahay marka labilaabo wado banaynta guriga iyo Meesha ay ku soo hagaagto wadadu in ladumiyo kuwaas oo masuuliyiinta degmad ku dhaqanina ay soo dhaweyeen.

 


Ugu horayn Xog-hayaha Dawlada Hoose ee Hargaysa ayaa sheegay.”Halkan waxaanu uga Mahad naqaynaa shacabka Degmada gacan libaax ee u heelan in Wadooyinka dhistaan xafladan u qabtay in Wadooyinka Loo baneeyo inta hadhsan,Halkan waxaanu ka balan qaadaynaa in ay Dawlada hoose diyaar u tahay wadooyinka xidhan in ay banayso ku faran laamaday dhigto oo ay dhisto,Halkan waxaad ka sheegteen sidaad ugu tageersan tihiin dawlada Iyo waxqabadka ay halkan idiinku soo bandhigtay.

intaas waxa uu ku daray Xog-hayaha Dawlada Hoose Ibraahin Axmed Raabi oo hadalkiisa siiwata.”waxaanu idiin balan qaadaynaa waxyaabaha dhinac horumarka ku salaysan inaanu idinka tageeri Doono waxaad qabsataana wax ka badan idinka tageeri Doono,wax yaabaha cabashada Ahna ee aad noo soo jeediseena sidooda wax uga qaban Doono.



Xog-hayahu waxa uu cadeeyay in ay dawlada hoose ay degmada gacan libaax Wadooyin Badan u banaysay Qaar kalena u dhistay kuwa badana ku rajo wayn tahay in u samayso iyaga oo gudanaya waajibaadka dawlada hoose ka saran arimaha bulshada iyo bilicda caasimada.

Maayar ku xigeenka Ahna ku simaha maayarka oo isaguna madasha ka hadlay ayaa soo dhaweeyay bulshada degmada gacan libaax iyo gudida degmada,waxaana uu sheegay in loo baahan yahay si Hawlaha iyo baahiyaha bulshada loo daboolin in ay Shacabka ku dhaqan Caasimadu iska bixiyaan Cashuurta.



"Jidadkaas xaafadaha dhex mari jiray ee xidhmay waxaanu idiin sheegaynaa inaanu banayn Doono sabtida cagaftii iyo Iska ragooyinkiina idiin soo diri Doono Mudo saddex cisho ahna ku jiri Doonto cagafto si ay u banayso,Gurigii ay ku soo hagaagto buulkii ay ku soo beegmato dhamaan waxaan idin leeyahay meelna laga baydh siinmaayo ee ka shaqeeya horumarkiina oo sidaas laydiin sheegay hadhaw cabasho hakeenina si Aanu anaguna Waxaad u baahataanba idiinka haqab tirno.

intaas waxa uu ku daray.”muwaadin wax lagaaga baahan yahay inaad bixiso cashuurta si adigana adeegyada aad doonaysaan laydiinku fuliyo,qaran waliba waxa uu ku faanaa inta ay dadkiisu cashuurta bixiyaan,maanta anagu waxaanu ku shaqaynaa waa shilimaadka laydinka soo Aruuriyo markaas bixiya cashuurta adeegyada laydiinku qaban doono.






Guddoomiyaha degmada gacan Libaax odayaasha dagmada iyo Dhalinyarada ayaa u mahad naqay dawlada hoose ee hargaysa kuna amaanay Kaalinta Muuqata Ee ay ka ciyaartay baahidii shacabka iyo wadooyinka kala gadisan ee ay ka wado gudaha caasimada,waxaana ay shegeen in ay balan qaadayaan in ay iyaguna guriga ay ku soo hagaagto lamarsiin Doono si wadooyin badan degmadu u hesho.