Ciidanka Somaliland Oo Gaadhay Taleex Iyo Wasiirka Warfaafinta Oo Ka Hadlay U jeedada Ay Ciidanku U Tageen.

0
Thursday April 23, 2015 - 18:47:02 in by salman abdi
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidanka Somaliland Oo Gaadhay Taleex Iyo Wasiirka Warfaafinta Oo Ka Hadlay U jeedada Ay Ciidanku U Tageen.

    Xukuumada somaliland ayaa sheegtay in Qayb laxaadleh ka qaadan doonto Xalinta Beelaha Wada daga deegaanka Taleex ee Dagaalku ku dhexmaray Deegaankasi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xukuumada somaliland ayaa sheegtay in Qayb laxaadleh ka qaadan doonto Xalinta Beelaha Wada daga deegaanka Taleex ee Dagaalku ku dhexmaray Deegaankasi.


Ciidanka qaranka somaliland ayaa gaadhay goobtaasi labada beeloodna kala dhex galay,sida uu maanta warbaahinta u sheegay wasiirka warfaafinta somaliland Cabdilaahi Maxamed Daahir Cukuse,waxaana uu sheegay inaanay Ciidanku dhibaate kale u tagin Balse ay doonayaan in Xal waara Laga gaadho Labada belood ee deegaankasi wada daga.

Sidoo kale waxa uu iftiimiyay in ay Ciidanka qaranku gacan wayn ka gaysan doonaan Nabad galiyada,Madax dhaqmeedka somaliland iyo wasiiro ka tirsan Xukuumada wax auu sheegay in Ay tagi Doonaan Si ay U dajiyaan Xaalada.

Wasiirka Warfaafinta waxa uu baaqna u diray Beelaha walaalaha ah


ee wada deegaanka taleex kaas oo uu u soo jeediyay in ay Nabad kuwada nooladaan Xabadana dhigaan,Colaada Deegaankaas ka taagana waxa uu ku baaqay in Ladajiyo.

 

"Waxaad maqlayseen maalmahanba, in gobolka Xaysimo xaruntiisa Taleex ee dalkan Jamhuuriyadda Somaliland ay ka jirtay shaqaaqo u dhexaysa laba Beelood oo walaalo ah, taas oo keentay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh.maaha markii u horaysay ee Xukumaddu baaqyo hore iyo ficilba Xukumaddu way samaysay.

intaas waxa uu ku daray” Isla markii shaqaaqadu dhacdo muddo saacado ah kadib waxaa Taleex gaadhay Ciidanka qaranka Somaliland. Waxa uu halkaasi u tagay haddana u joogaa inuu gacan ka gaysto nabad galyada, lana shaqeeyo Madaxdhaqameedka, Culimada, guurtida iyo Ergada halkaasi iyagu u jooga Nabada ee uu hogaaminayo garaad Jaamac Garaad Ismaaciil. Ciidanku wuxuu la shaqaynayaa Maamulka gobolka, waxaanay noqotay hawsha uu halkaasi u tagay mid midho dhal ah,” ayuu yidhi Wasiir Cukuse.

Wasiirka Warfaafinta Somaliland waxa uu baaq u diray Beelaha halkaasi wada degan ee dirirtu dhexmartay "Anagoo ku hadlayna Magaca Jamhuuriyadda Somaliland shacbi iyo dawlad ba waxaanu ugu yeedhaynaa Dadkayaga Taleex, inay noqdaan dad caqligu ku soo noqdo oo nabada ka shaqeeya oo ay xasuustaan way ogyihiine inaanay colaadi waxba tarin bani’aadamka waxay yeesho mooyaane, inay gartaan inaan wiil iyo gabadh toona ku dhalan dagaalka ee ay ku dhintaan, inay gartaan inay keento colaadu nolosha oo khalkhal gasha iyo cabsi iyo inay keento dad dhalinyaro ah oo naftooda ku waaya,” ayuu yidhi Wasiir Cukuse.

Contact@afkashacabka.com