Xeer Ilaaliyaha Guud Ee Qaranka Somaliland Oo Ka Hadlay Xadhigga Guddoomiyaha Xarunta Xuquuqal Iinsaanka

0
Friday April 24, 2015 - 10:31:29 in by salman abdi
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xeer Ilaaliyaha Guud Ee Qaranka Somaliland Oo Ka Hadlay Xadhigga Guddoomiyaha Xarunta Xuquuqal Iinsaanka

    Hay'adda Human Rights Watch, Xarunta Daraasaadka Siyaasadda ee CPA iyo qaar ka mid ah hay'adaha u dooda xuquuqda aadamaha ayaa Somaliland ugu baaqay inay sii daayaan Guuleed Axmed Jaamac oo ah Guddoomiyaha xarunta xuquuqda aadamaha ee Somal

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hay'adda Human Rights Watch, Xarunta Daraasaadka Siyaasadda ee CPA iyo qaar ka mid ah hay'adaha u dooda xuquuqda aadamaha ayaa Somaliland ugu baaqay inay sii daayaan Guuleed Axmed Jaamac oo ah Guddoomiyaha xarunta xuquuqda aadamaha ee Somaliland oo ku xidhan Hargeysa.

Hay’adahan ayaa xadhigga Guuleed ku tilmaamay mid meel ka dhac ku ah xuquuqda aadamaha, inkasta oo Guddoomiyaha xidhan lagu eedeeyay in uu dhaliilay garsoorka Somaliland isla-markaana uu ka hor yimid dilalka lagu fuliyey gacan ku dhiiglayaal hore u geystay dilal.

Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Somaliland, Xasan Axmed Faarax oo laanta afka Soomaaliga ee idaacadda VOA waydiisay waxyaabaha uu ku eedaysan yahay Guulleed Axmed Jaamac ee uu u xidhan yahay ayaa ku jawaabay "Waxyaabaha uu ku eedaysan yahay waxa ka mid ah inuu samaynayo dayaacad lid ku ah Qaranka. Inuu soo saaray majalad ciwaanno badan leh oo uu si sharci daro ah ku soo saaro, waayo waa in xafiiska xeer ilaalinta guud ay ka diwaangashan tahay wixii doonaya inay war soo saaraan. Markaa isagaa ku qoran majaladdaasi oo uu ku qoran yahay war faro badan, markaa maxamadda u caddee baa la leeyahay xaqiiqada warka aad sheegayso, markaa taas ayaanu ku haysannaa…”ayuu yidhi, Xeer ilaaliyaha guud ee Somaliland, Xasan Axmed Faarax.

Guddoomiyaha xarunta xuquuqal iinsaanka Somaliland (Human Rights Center), Guuleed Axmed Jaamac ayaa ciidamada ammaanku xidheen 18-kii bishan, waxaanu hadda ku xidhan xabsiga dhexe ee Magaalada Hargeysa.

Contact@afkashacabka.com