"Haddii ay Doorashaddu Wakhtigeedii Ku Dhici Weydo Golaha Wakiiladda Ayaa Danbigaas Leh". Gudoomiye Faysal Cali Waraabe

0
Friday April 24, 2015 - 21:55:46 in by salman abdi
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Haddii ay Doorashaddu Wakhtigeedii Ku Dhici Weydo Golaha Wakiiladda Ayaa Danbigaas Leh". Gudoomiye Faysal Cali Waraabe

    Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID,Eng. Faysal Cali Waraabe,ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay ka safar in muddo ah uu ugu maqnaa wadamadda dibadda.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID,Eng. Faysal Cali Waraabe,ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay ka safar in muddo ah uu ugu maqnaa wadamadda dibadda.



Gudoomiyaha ayaa waxa gagida Dayuuradaha ee Magaaladda Hargaysa kusoo dhaweeyay Masuuliyiinta sar sare ee Xisbiga iyo tageerayaal.

Gudoomiyaha oo warbaahinta ugu waramayay Qolka nasashadda ee VIP-ga,ayaa ka ka hadlay arimaha Doorashooyinka,qisaastii ay Xukuumaddu dhawaan fulisay iyo arimo kale.

"Afar bilood mudo ku dhaw ayaan dalka ka maqnaa waxaanan ku maqnaa dan qaran markii aan arkay inagii oo isku jeesanay dantii qarankuna baylahday, dadkii iga caawiyeyna waan u mahad naqayaa, waxaanan maray ilaa toban dal, Marka ugu horaysa waxaan aad ugu farxay in la bilaabo qisaasta dadkii dilka gaystay, dad islaam ah ayeynu nahay waxaana ciqaabta loo soo saaray in inta kale la badbaadiyo, mana aha inaynu ogolaano sharciga bila’aadanka waa inaynu ka ilaahay ixtiraamno, qofkii wax dilay waa in la qisaasaa waana inaanay lixdaas ku istaagin” ayuu yidhi Eng.Faysal Cali Waraabe.

Gudoomiye Faysal oo hadalkiisa sii wata ayaa sidoo kale ka hadlay arimaha doorashooyinka,waxaana uu dib-u-dhaca doorashadda tuurta u saaray Golaha Wakiiladda Somaliland"Doorashooyinku wakhtigooda inay dhacaan weeyaan, haddii ay dhici waayaana ogaan ayey u dhici wayday oo waa loo tashaday, golaha wakiilada ayaana danbiga leh, sadexda xisbi markii aanu ku shirnay akadamiga bishii labaad cidii diiday habkii aanu ku heshiinay waa la ogyahay , cidii kicisay baarlamaanka waa la ogyahay”. Ayuu yidhi faysal Cali waraabe

Contact@afkashacabka.com