Guddida Dhismaha Jidka Dawga-Cad Oo Lasoo Gaadhsiyay Deeq Lacageed Oo Ka Timid Dalka Ingiriiska.

0
Friday April 04, 2014 - 22:16:10 in by salman abdi
  • Visits: 1208
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddida Dhismaha Jidka Dawga-Cad Oo Lasoo Gaadhsiyay Deeq Lacageed Oo Ka Timid Dalka Ingiriiska.

    Guddida Dhismaha Jidka Dawga-Cad Ee Waqooyiga Magaalada Hargeysa, Ayaa Maanta Guddoomay Deeq Lacageed Oo Xubno Ka Mid Ah Jaaliyadda Reer Somaliland Ee Magaalada London U Soo Direen,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddida Dhismaha Jidka Dawga-Cad Ee Waqooyiga Magaalada Hargeysa, Ayaa Maanta Guddoomay Deeq Lacageed Oo Xubno Ka Mid Ah Jaaliyadda Reer Somaliland Ee Magaalada London U Soo Direen,

Taasi Oo Ay Ugu Talo-Galeen Inay Kaga Qayb-Qaataan Wejiga Labaad Ee Dhismaha Jidkaasi, Oo Ah Hargeysa Ilaa Ceel Sheekh, Kaasi Oo Dhan 105KM.

Guddida Dhismaha Jidka Dawga-Cad Oo Caawa Shir Jaraa’id Ku Qabtay Huteelka Maansoor Ee Magaalada Hargeysa, Ayaa U Mahad-Celiyey Xubnaha Lacagta Deeqda Ah Soo Gaadhsiiyey, Iyaga Oo Alle Uga Baryey In Halkii Ay Ka Soo Saareen Ugu Bedallo Wax Ka Khayr Badan, Miisaanka Xasanaadkana Ugu Daro.

Guddida Jidka Dawga-Cad, Ayaa Sheegay In Xubnaha Ka Midka Ah Jaaliyadda Reer London Ay Soo Direen Lacag Dhan $ 31,992 Doollar, Uguna Talo-Galeen Inay Kaga Qayb-Qaataan Wejiga Labaad Ee Dhismaha Jidkaasi.

Guddoomiyaha Guddida Dhismaha Jidkaasi, Eng. Cabdiqaadir Xaahi Cilmi, Oo Ugu Horeyn Halkaasi Ka Hadlay Ayaa Isaga Oo Faahfaahinaya Deeqda Lacagta Ah Ee La Soo Gaadhsiiyey Yidhi "Maanta, Waxa London Naga Soo Gaadhay Lacag Dhan $ 31,992 Doollar, Lacagtaana Waxa Soo Kala Diray 7 Qof (Oo Ka Mid Ah Jaaliyadda Reer Somaliland Ee London), Waxaana Lagu Soo Direy Xawaaladda Oomaar, Dabadeedna Oomaar Ayaanu Akown Ka Furnay Oo Aanu Ku Daynay (Dhignay) Aad Iyo Aadna Way U Mahadsan Yihiin Dadkaasi Soo Direy Lacagtan..”

Sheekh Cabdiqaadir Xaaji Jaamac, Oo Ka Mid Ah Guddida Dhismaha Jidka Dawga-Cad, Oo Isaguna Halkaasi Ka Hadlay Ayaa U Mahad-Celiyey Guud Ahaan Muwaadiniinta Soo Direy Lacagta Deeqda Ah, Kuwaasi Oo Magacyadooda Aan La Sheegin.

Sheekh Cabdiqaadir Xaaji Jaamac, Oo Arrimahaa Ka Hadlayaana Waxa Uu Yidhi "Waxaanu Idiinku Ducaynaynaa Adduunkan (Lacagta) Aad Noo Soo Dirteen Ee Aad Ku Soo Dedaasheen, Horena Waad Uga Soo Qayb-Qaadateen, Dhawaanna Way Na Soo Gaadhay Lacag Hore Oo Idinka Timid, Gaar Ahaan Reer Cardiff Ka Timid, Maantana Lacagtaa Faraha Badan-Baa Reer UK Naga Soo Gaadhay, Aad Iyo Aad-Baad Ugu Mahadsan Tihiin”

Sheekh Cabdiqaadir, Oo Sii Hadlaya Waxa Uu Intaasi Ku Daray "Waa Hawl Aad Nagala Qayb-Qaadanaysaan, Taasi Oo Annaga Laftayadu Aanu Wakhti Iyo Adduunba Aanu Ku Bixinayno, Waxaanu ILAAHAY Idinka Baryeynaa Inuu Miisaanka Xasanaadka Idiinku Daro, Waana Bilow Hawshu, Dhammaadkeedana Waynu U Wada Joogi Doonaa Haddii Alle Yidhaahdo” Ayuu Yidhi, Sheekh Cabdiqaadir Xaaji Jaamac, Oo Intaasi Sii Raaciyey "Waxaynu Doonaynaa Dedaalka Sidaa Aynu U Bilownay Inaynaan Guntiga Iska Debcin, Inta Eebe (SW) Uu Inoo Dhamaystirayo Hawshaasi Aynu U Dhaqdhaqaaqnay Ee Ah Hargeysa Illaa Ceel-Sheekh, Wejiga Koowaadna Aynu Marka Ugu Horeysa Aynu Laamay Ka Dhigno, Aad-Baad U Mahadsan Tihiin, Waanuna Idin Sugeynaa Weliba…..”

Geesta Kale, Guddida Dhismaha Jidka Dawga-Cad, Ayaa Amaan Iyo Mahadnaq  U Jeediyey Hay’adda Horumarinta Bariga Afrika Ee Marka Magaceeda La Soo Gaabiyo Loo Yaqaano EDA, Taasi Oo Ay Sheegeen Inay Door Weyn Oo Muuqda Ka Qaadanayso Dhismaha Jidka Dawga-Cad, Iyaga Oo Dhanka Kalena Baaq U Diray Bulsho-Weynta Reer Somaliland, Gaar Ahaan Dadka Ka Soo Jeeda Deegaanka Dhismaha Jidka Dawga-Cad Ka Socdo, Waxayna Ugu Yeedheen Inay Kaalintooda Ka Qaataan, Maadaama Oo Bay Yidhaahdeen Toddobaadada Soo Socda La Galayo Hawsha Culeyskeeda, Lana Bilaabayo Wejiga Hore Ee Daamur Dhigista. Taasi Oo U Baahan In Kaalin Weyn Ay Ka Qaataan Dadka Deegaanku.



Afkashacabka,com

Hargaysa/Office

Contact@Afkashacabka.com