War-saxaafadeed: Wasiirka Duulista Somaliland Oo La Kulmay Dhiggiisa Turkiga Iyo Masuuliyiin Kale + Sawirro

0
Friday April 04, 2014 - 22:24:45 in by salman abdi
  • Visits: 910
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    War-saxaafadeed: Wasiirka Duulista Somaliland Oo La Kulmay Dhiggiisa Turkiga Iyo Masuuliyiin Kale + Sawirro

    Wasiirka wasaaradda duulista hawadda iyo gaadiidka cirka Somaliland Md. Maxamuud Xaashi Cabdi oo toddobaadkii ugu dambeeyey safar shaqo ku joogay dalka Turkiga ayaa kulamo muhiim ah oo najiito wanaagsani ka soo baxeen la yeeshay madax sare oo ka tirs

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka wasaaradda duulista hawadda iyo gaadiidka cirka Somaliland Md. Maxamuud Xaashi Cabdi oo toddobaadkii ugu dambeeyey safar shaqo ku joogay dalka Turkiga ayaa kulamo muhiim ah oo najiito wanaagsani ka soo baxeen la yeeshay madax sare oo ka tirsan dawlada Turkiga.

Wasiirka oo ay wehelinayeen laba Khabiir oo ka tirsan Wasaaradda Duulista Somaliland ayaa waxa ay shalay Magaalada Istanbul kulan kula yeesheen Wasiirka Gaadiidka iyo Isgaadhiinta Turkiga Mr. Lutfi Elvan, kaas oo ay ka wadahadleen wadahadallada u dhaxeeya Somaliland iyo Soomaaliya, gaar ahaan sidii xal looga gaadhi lahaa khilaafka hawada ee laba dhinac u dhaxeeya, Wasiir ka duulista ayaa dhiggiisa Turkiga u bandhigay baahiyaha kala duwan ee madaarada Somaliland doorka horumarineeed ee ay dawladda Turkigu ku yeelan karo.

Wasiirka Duulista ayaa sidoo kalena kulan la yeeshay Maareeyaha Guud ee shirkada Duulimaadyada ee Turkish Airlines Dr Temel kotil iyagoo ka wadahadlay sidii ay shirkadaasi Duulimaadyo ugu bilaabi lahayd Madaaradda Somaliland, labada dhinac ayaa isku afgartay in diyaarada Turkish Airlines ay duulimaadyo Bisha June ee sanadkan  ka bilowdo Madaarka Cigaal International Airport ee Hargeysa.

Geesta kalena, Wasiirka Duuliislta Somaliland ayaa maanta gaadhay Caasimada Turkiga  ee Ankara isaga oo la kulmay Maareeye ku xigeenka xafiiska xidhiidhka iyo mucaawinooyinka u qaabilsan Raysal wasaaraha Turkiga ee loo yaqaan Tikka, Mr. Sureyya Polat. Maareeye ku xigeenka ayaa Wasiirka Duulista Somaliland u qaabilay si heer sare ah, Mudane Maxamuud Xaashi ayaa u gudbiyey Xafiiiskaasi mashriic dhawr ah oo lagu horumarinayo Madaarda Somaliland.

Maareeyaha xafiiska ayaa balan qaaday inay daraasad ku sameynayaan mashaariicdaasi, sidoo kale Xafiiska Tikka ayaa balanqaaday  in bishan April  dabayaaqadeeda ay ku caawin doonaan Madaarka Cigaal  Airport hal gaadhi oo dab demis ah Nooca ugu dambaayey, gaadhigaasi oo ka Wasaarad ahaan aanu baahi weyn u qabnay, iyadoo Wasiirkuna Dawladda Turkiga ee aynu walaalaha nahay uu ugu mahad naqay deeqda gaadhigaasi dab dhamiska ah.”

ALLA MAHAD LEH.

Sadaam Maxamed Axmed

Afhayeenka Wasaaradda Duulista iyo Hawadda JSL.