Dawladda Sucuudiga Oo Dekedda Berbera Ku Soo Celisay 1283 Geel Ah Iyo Wasarada Xananada Xolaha Oo aan Ka Hadlin

0
Saturday April 05, 2014 - 07:18:30 in by salman abdi
  • Visits: 795
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dawladda Sucuudiga Oo Dekedda Berbera Ku Soo Celisay 1283 Geel Ah Iyo Wasarada Xananada Xolaha Oo aan Ka Hadlin

    Waxa maanta galinkii dambe dekedda Berbera ee Somaliland soo gaadhay Markab xoolo ka soo celiyey dalka Sucuudi Arabiya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxa maanta galinkii dambe dekedda Berbera ee Somaliland soo gaadhay Markab xoolo ka soo celiyey dalka Sucuudi Arabiya.

Markabka ayaa Sucuudiga ka soo celiyey 1283 Awr, kuwaasi oo la sheegay inay kala leeyihiin ganacsatadaha Saleebaan Al-jaabiri iyo ganacsato reer Somaliland ah, kuwaasi oo hore sayladaha Sucuudiga ugu diray xoolahaasi.


Inkasta oo aan ilaa hadda xoolahan la soo celiyey aanay ka hadal xukuumadda Somaliland, gaar ahaan wasaarada xanaanada xooluhu, haddana waxa jira shaki laga qabo in xoolahan markii ay gaadheen Sucuudiga ee caafimaadkooda la baadhay lagu arkay xanuunka loo yaqaano Burusayla.

Magaalada Berbera ee xarunta Gobolka Saaxil, ayaa waxa ku yaalla dhowr Maxjar oo lagu baadho xooluhu inta aanay dhoofin, hasa-yeeshee Geella la soo celiyey ayaa fadeexad iyo ceeb ku ah wasaaradda xanaanada xoolaha Somaliland, oo u xilsaaran la socodka xaaladda caafimaad ee xoolaha dalka ka dhoofaya.

Xolahan, ayaan ahayn kuwii ugu horeeyay ee la soo celiyey, balse bishii ina dhaaftay ayaa laba jeer dalka Sucuudigu soo celiyey xoolo.


Afkashacabka.com
Berbera/Office
Contact@Afkashacabka.com