Maxaabiis Maanta Sidii Ugu Khibrada Badnayd Uga Baxsaday Jeelka Boosaaso.

0
Saturday April 05, 2014 - 07:25:25 in by salman abdi
  • Visits: 975
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxaabiis Maanta Sidii Ugu Khibrada Badnayd Uga Baxsaday Jeelka Boosaaso.

    Maxaabiis budhcad-badeednimo ku eedeysnaa oo sannadkii hore laga keenay Jaziiradda Seychelles ayaa maanta ka baxsaday xabsiga weyn ee magaalada Boosaaso.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maxaabiis budhcad-badeednimo ku eedeysnaa oo sannadkii hore laga keenay Jaziiradda Seychelles ayaa maanta ka baxsaday xabsiga weyn ee magaalada Boosaaso.

Maxaabiista baxsaday oo ay tiradoodu 15 tahay waxay ka boodeen derbiga dheer ee xabsiga, inkastoo durbadiiba ay ciidamada asluubtu 13 kamid ah gacanta ku soo dhigeen.

Labada maxbuus ee maqan ayaa waxaa weli ku raad jooga ciidamada booliska. Mid ka mid ah saraakiisha ciidamada asluubta ee xabsiga Boosaaso ka howlgalaa ayaa sheegay in rejo weyn ay ka qabaan in labadaas maxbuus sida ugu dhaqsaha badan gacanta loogu soo dhigo.

Maxaabiista fakatay ayaa ayaa xadhko dhaadheer ka sameeyey macawsihii ay ku seexanayeen, kaddibna ka laad-laadiyey derbiga xabsiga, xadhkahaasi oo u sahlay inay si fudud derbiga u fuulaan.

Maalinta Jimcaha ayaa ah maalinta uu xabsiga Gaal-shire ugu mashquulka badan yahay, maadaama ay xabsiga tagaan tobannaan qof oo booqanaya maxaabiista ay qaraabada yihiin.


Waa markii ugu horreysey sanadkan ay oo ay maxaabiisi ka baxsato xabsiga magaalada Boosaaso, haseyeeshee waxaa jirtey dhowr mar oo hore oo maxaabiis qaarkood xukun dil ah lagu ridey ay Gaal-shiraha Boosaaso ka baxsadeen.


Afkashacabka.com
Bosaso/Office
Contac@Afkashacabka.com