SOLJA oo Warsaxaafadeed ka soo saartay Xuska Maalinta Saxaafadda Adduunka iyo Nuxurka Warsaxafadeedkaasi

0
Monday May 04, 2015 - 08:12:23 in by salman abdi
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    SOLJA oo Warsaxaafadeed ka soo saartay Xuska Maalinta Saxaafadda Adduunka iyo Nuxurka Warsaxafadeedkaasi

    Ururka Saxafiyiinta Somaliland ee SOLJA,ayaa war qoraal ah oo ay kusoo beegeen Maalinta Saxaafadda Aduunka waxay ku sheegeen in ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ururka Saxafiyiinta Somaliland ee SOLJA,ayaa war qoraal ah oo ay kusoo beegeen Maalinta Saxaafadda Aduunka waxay ku sheegeen in ...

dib-u-dhac badani la daris noqday Suxufiga iyo Saxaafadda Afrika.waxaanay intaas raaciyeen in Xukuumaddaha kala duwan ee ka jira badiba wadamadda qaaradda Afrika ay gacan-bidixeeyaan hawlaha shaqo ee Saxaafaddu ka wado Qaaradda.

SOLJA,waxay soo dhawaysay cid kasta oo kaalin ku leh wax la qabashadda Xoriyatul-qawlka iyo madax banaanida Saxaafadda.

War-saxaafadeed uu ku saxeexan yahay Gudoomiyaha Ururkaas Md. Maxamuud Jaamac Xuuto,oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay Xafiiska ShabakaddaSomalilandtodayee Magaaladda Hargaysa ayaa u dhignaa sida tan: "Ururka Suxufiyiinta Somaliland SOLJA waxa uu maalinta Saxaafadda dunida kala qayb qaadanayaa xuska 3 May oo ay maalinta saxaafadda dunida,

taasoo manta laga xusayo daafaha dunida gaar ahaan SOLJA waxay farxadda manta la qayb sanaysaa Qaaradda Afrika oo xuskan si weyn looga qaban qaabiyey, maadaama dibu-dhac badani ka muuqdo isla markaana Xukuumaddaha ka taliya qaarkood six un ula dhaqmaan Suxufiyiinta.

Xuska maalinta saxaafadda dunida oo ku beegan maanta oo ay bishi tahay 3 May SOLJA waxay soo dhaweynaysaa cid kasta oo taageerta Xorriyatul-qawlka iyo Madax banaanida Saxaafadda oo Tiir muhiim u ah bulshooyinka Caalamka iyo Dawladdaha ka jira, kuwaas oo ay saxaafaddu tabiso xogaha iyo wararka ay is-dhaafsadaan.

Ururka Suxufiyiinta Somaliland SOLJA waxa uu caddaynayaa Somaliland inay tahay Dal Madax banaan oo Xorriyatal-qawlka iyo Madax banaanida saxaafadu tahay dunida meelaha ugu horeeya inkasta oo ay jiraan caqabado kooban oo la odhan karo horumar baa laga samayn karaa haddii xeerarka iyo shuruucda dalka ka jira dhinac kastaa u hogaansamo.

Madax banaanida Saxaafadda Somaliland waxay la kowsatay yagleelidii Qarankan Nabada ah ee Dunidu ku majiirato Amaankiisa, taasoo saxaafadda Somaliland u sahashay inay hawl-maalmeedkooda u gutaan si xor ah. Munaasabadanina ay manta ku soo beegantay iyadoo aanu jirin suxufi reer Somaliland ah oo xidhan ama maxkamdi ku socoto, Sidoo kale, SOLJA waxay ka werwersan tahay xaalada ay ku sugan yihiin xarumaha warbaahineed ee xidhan sida Wargeysyada Haatuf iyo Hubaal waxayna ugu baaqaysaa Xukuumadda Somaliland inay dib Albaabada ugu furto Hay’addahaasi Warbaahineed kuwaasoo xidhan sanadkii labaad.

Gudoonka Suxufiyiinta Somailand waxay ku bogaadinaysaa saxaafada iyo suxufiyiinta inay sanadkan kiisa ku gaadhaan horumar badhaadhe iyo nabadqab”.

Guddoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland SOLJA

Maxamuud Cabdi Jaamac