Ciidamada Qaranka oo Gudaha u Galay Degmada Tuko Raq , kuna sugnaa Saacado Kooban

0
Tuesday May 05, 2015 - 10:05:50 in by salman abdi
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamada Qaranka oo Gudaha u Galay Degmada Tuko Raq , kuna sugnaa Saacado Kooban

    Cutubyo katirsan Ciidamada qaranka Somaliland Shalay fiidkii soo galay Gudaha Tuulada Tukarraq ee Gobolka Sool, kuwaas oo waxoogaa kadib iskaga baxay halkaas, kuna noqday fadhiisimadoodii ay kasoo baxeen.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Cutubyo katirsan Ciidamada qaranka Somaliland Shalay fiidkii soo galay Gudaha Tuulada Tukarraq ee Gobolka Sool, kuwaas oo waxoogaa kadib iskaga baxay halkaas, kuna noqday fadhiisimadoodii ay kasoo baxeen.

Ciidankan, ayaa muddo kooban ku sugnaa Kastam halkaas ay ku lahaan jireen Ciidamo hoostaga Maamulka Puntland, kaas oo ay maleeshiyo khaatumo ahi gacanta ku hayeen, waxana ay goobtaas ka caydhsadeen maleeshiyadii ku sugnayd.

Ciidamada qaranka, ayaa ujeedada ay halkaas u tageen lagu sheegay si ay maleeshiyadaas meesha uga saaraan, kadib markii dadka deegaanku ay gudbiyeen cabasho maleeshiyadaas ka dhan ah.

Ciidamada qaranka, ayaa iyagoo badqaba kusoo noqday goobihii ay fadhiyeen oo aan ka fogayn deegaanka Tukarraq, waxana la sheegayaa inay jawigu haatan yahay mid caadi ah oo aan dhiillaysnayn.




Contact@afkashacabka.com