Sidaana waxa lagu sheegay War-saxaafadeed xalay Wargeyska Somalilandtoday ka soo gaadhay safaaradda Somaliland ee Magaalada Addis Ababa, kaasi oo uu ku saxeexnaa Wakiilka Somaliland ee Ethiopia, Ayaanle Salaad Diiriye.

 


 

 

War-saxaafadeedkaasi ayaa u qornaa sidan:

 "Wasiirka Arrimaha Dibada iyo iskaashiga caalamiga ah, ee Jamhuuriyada Somaliland , Mudane Maxamed BixiYonis oo uu weheliyo wakiilka Somaliland ee Ethiopia Mudane, Ayanle Salaad Diiriye, ayaa maanta (shalay) galinkii dambe xafiiskiisa kulan balaadhan kulaqateen, Taliyaha Guud ee Ciidamada Milatariga Ethiopia,GeneralSamore Yonis, oo uu kulanka dhankiisa ku wehelinayeyBG Desta.

Kulankan oo qaatay muddo1:30 ah waxay labada dhinacba kaga wada hadleen xaaladda guud ee amni ee Gobolkaiyo gaar ahaanbata labada dal, Ethiopia iyo Somaliland. Waxa kale oo kulankan lagaga wada hadlay deeqihii waxbarasho ee dawlada Ethiopiasiin jirtay ciidamada Jamhuriyadda Somaliland.

Ugu dambayntii waxay labada dhinacba si buuxda isula afgarteenin la sii xoojiyo xidhiidhka walaaltimo ee wax wada qabsi ee dhinacyada badan leh ee u dhaxeeya labada dal ee walalaha ah iyo labada shacabba,meelna looga soo wada jeesto, wixii wax u dhimayaiskaashiga iyo walaaltinimada labada dal Ethiopia iyo Somaliland, iyo guud-ahaanbaGobolka Geeska Africa..”

Alla Mahad leh.

Wakiilka Somaliland ee Ethiopia

Mudane Ayanle Salaad Diriiye.