Xasan Guure oo ku hanjabay haddii loo kordhiyo Xukumada inaanay Dhisnaan Doonin Daaraha Dhaadheer ee caasimadu iyo Wasiir Dhinbiil oo u jawaabay

0
Tuesday May 05, 2015 - 10:28:56 in by salman abdi
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xasan Guure oo ku hanjabay haddii loo kordhiyo Xukumada inaanay Dhisnaan Doonin Daaraha Dhaadheer ee caasimadu iyo Wasiir Dhinbiil oo u jawaabay

    Guddoomiyaha Siyaasiyiinta la baxay Madasha Wada Tashiga, Xasan Guure Jaamac ayaa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddoomiyaha Siyaasiyiinta la baxay Madasha Wada Tashiga, Xasan Guure Jaamac ayaa

shir jaraa’id oo uu shalay ku qabtey Magaalada Hargeysa ku sheegay inaan la aqbalin Karin muddo kordhin dheeraad ah oo loo sameeyo xukuumadda.

Xasan Guure Jaamac ayaa sheegay in daaraha dhaadheer ee ka dhisan Magaalada Hargeysa aanay nabad ku taagnaan doonin haddii aan sharciga la ixtiraamin oo Guurtidu muddo kordhin u samayso xukuumadda talada Somaliland haysa ee Madaxwayne Siilaanyo "Cigaal iyo Daahir Rayaale ayaynu u kordhinay, Siilaanyo ayaa imika doonaya, miyeynaan kordhinba ka koreynin” ayuu yidhi, Xasan Guure Jaamac, waxaanu intaasi ku darey oo uu ku hanjabay "Haddii sharciga la ixtiraami waayo daarahaa Quruxda badani taagnaan maayaan”
Hase-yeeshee hadalkaasi xanafta leh waxa ka jawaabay Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Caafimaadka ee Somaliland, Xasan Daahir Dhimbiil oo uu xalay la xidhiidhay Wargeyska Somalilandtoday isla-markaana wax ka waydiiyey sida uu u arkayo hadalka Mujaahid Xasan Guure Jaamac.
Wasiir ku xigeenka Caafimaadka oo ugu horeyn ka hadlaya muddo kordhinta ay Mucaaradku diidan yihiin ayaa yidhi "Maaha Markii u horesay ee la kordhiyo, dawladduna waa tii ballan-qaadey in aanay diyaar u ahayn in maalin loogu daro, laakiin dib u dhaco wuxuu ka yimid dhanka beesha caalamka oo dhaqaalihii (aan bixinin)..”
Wasiir ku xigeenku waxa uu sheegay in dawlad ahaan ay u wanaagsan tahay in doorashada hore loo qabto, hasa-yeeshee ay dabada hayaan Mucaaradka oo doonaya inay xukuumadda ka lumiyaan kalsoonida shacabku u hayo "Annaga dawlad ahaan waxa noo fiican in doorashada hore loo qabto, waayo waxaanu ognahay inaanu boqolkiiba boqol aanu kalsoonida bulshada haysanno” ayuu yidhi, waxaanu intaasi ku daray "Laakiin waxaanu ognahay in Mucaaradku si ay kalsoonida nooga dhaawacaan ay doorashada dabada hayaan”
Wasiir Xasan Daahir Dhimbiil oo la waydiiyey sida uu u arko hadalka hanjabaadda ah ee Mujaahid Xasan Guure, ayaa ku jawaabay "Daaraha dalka ka dhisan dastuur iyo qawaaniin baa lagu dhisay, ninka sidaa u hadlayna uma hadal si muwaadinnimo ee waa afkii jabhadda”ayuu yidhi.