Guddomiyaha Golaha Guurtida JSL oo markii uhoreysay ka hadlay Aqoonsiga Magaalada Shifield siisay Somaliland, Jaaliyada reer Somaliland na ku bogaadiyey Dedaalkooda

0
Saturday April 05, 2014 - 18:16:45 in by Super Admin
  • Visits: 699
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddomiyaha Golaha Guurtida JSL oo markii uhoreysay ka hadlay Aqoonsiga Magaalada Shifield siisay Somaliland, Jaaliyada reer Somaliland na ku bogaadiyey Dedaalkooda

    "Dadka reer Somaliland ee shefiel degan hawl fiican ayey qabteen aduunkana dhawaaqaasi wuu gaadhayaa, waanay dedaaleen mid keena ka dheer aad ayaanay u mahadsan yihiin" Guddomiye Saleban Maxamud Adan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Dadka reer Somaliland ee shefiel degan hawl fiican ayey qabteen aduunkana dhawaaqaasi wuu gaadhayaa, waanay dedaaleen mid keena ka dheer aad ayaanay u mahadsan yihiin" Guddomiye Saleban Maxamud Adan

gudoomiyaha golaha guurtida somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa markii ugu horaysay ka hadlay aqoonsiga ay Somaliland u fidiyeen golaha deegaanka ee Shefeild.

Gudoomiyaha golaha guurtida oo maanta warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa ayaa waxa uu mahadnaq balaadhan u diray jaaliyada Somaliland eek u dhaqan shefeild kuwaas oo uu tilmaamay inay ka soo baxeen waajibaad saarnaa, waxaanu u mahad naqay golaha deegaanka ee Shefield.

Ugu horayn gudoomiye Saleebaan Maxamuud Aadan oo ka hadlaya sida ay jaaliyadu ugu dedaaleen arintaas ayaa waxa uu yidhi "Dadka reer Somaliland ee shefiel degan hawl fiican ayey qabteen aduunkana dhawaaqaasi wuu gaadhayaa, waanay dedaaleen mid keena ka dheer aad ayaanay u mahadsan yihiin dadkuna way  u mahad naqayaa, dadka reer Somaliland ee shefield degen xilkoodi ayay guteen, shacbiweynuhuna wuu ogyahay waxyaabaha ay taraan jaaliyaduhu" ayu yidhi guddoomiye saleban maxmud adan.

 

Sidoo kale waxa uu u mahad naqay golaha deegaanka Shefield waxaanu tilmaamay inay dawladoodana ka rajaynaya inay arinkaas wuxuun ka tidhaahdo waxaanu yidhi "Arintaas golaha deegaanka ee Shefeild kolay waxay tiigsanaysaa akhirka  in dawladooduna ay wuxuun tidhaahdo  dee wuxuun baynu ka heli doonaaye iyaguna aad ayey inoo dedaaleen oo way mahadsan yihiin.” ayu hadalkiisa ku soo xidhay Guddomiyuhu







Afkasahacabka.com

Hargeysa/ Office

Contact@afkashacabka.com