Urur Ay Ku Midoobeen Ardayda Reer Somaliland Ee Ethiopia Oo Lagaga Dhawaaqay Magaaladda Addisa Ababa Iyo Arday Ka Soo Qayb Gashay Doorashadii Gudomiyaha Cusub+Sawiro

0
Tuesday May 05, 2015 - 20:44:55 in by salman abdi
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Urur Ay Ku Midoobeen Ardayda Reer Somaliland Ee Ethiopia Oo Lagaga Dhawaaqay Magaaladda Addisa Ababa Iyo Arday Ka Soo Qayb Gashay Doorashadii Gudomiyaha Cusub+Sawiro

    Urur ay Ku Midoobeen Ardayda reer somaliland ee Waxka Barata Wadanka Ethiopia ayaa Lagaga dhawaaqay magaaladda Addis ababa ee Xarunta Dalka Ethiopia.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Urur ay Ku Midoobeen Ardayda reer somaliland ee Waxka Barata Wadanka Ethiopia ayaa Lagaga dhawaaqay magaaladda Addis ababa ee Xarunta Dalka Ethiopia.






Munaasibadda Ku dhawaaqista Ururkani Cusub ayaa Lagu qabtay Barxadda Hore ee Saafaradda somaliland ee dalka Ethiopia ayaa waxaa Munaasibadda Kasoo qayb galay Safiirka somaliland ee Addis ababa Mudane Ayaanle Salaad Diiriye iyo Madaxkale oo ka socda somaliland kuwaasi oo ay ka mid ahaayeen Maamul Ku xigeenka Madaarka Caasimadda Hargeysa Cabdilaahi Yusuf Axmed.

madashani lagu unkay ururka ardayda somaliland ee dalka ethiopia oo ahayd mid si heersare ah loosoo agaasimay waxaa kasoo qayb galay ku dhawaad 300 oo arday kuwaasi oo wax ka barta dalka Ethiopia iyaddoo siddoo kalenna ay Madashii lagaga dhawaaqayay Ururkani ay Hadalo ka Jeediyeen Safiirka Somaliland ee Addis ababa Mudane Ayaanle Salaad Diiriye.

 

Siddoo Kalenna waxaa Madasha Ka hadlay Martisharaf Ka socday somaliland kuwaasi oo hawlo shaqo u jooga Magaaladda Addis ababa ee xarunta dalka Ethiopia .


Ururka Cusub ee Ardayda somaliland ee dalka Ethiopia ayaa isla Xafladaasi Guddoomiye loogu doortay Khaalid maxamed Ibrahim oo ka mid ah ardayda somaliland ee waxka barata dalka Ethiopia.


Contact@afkashacabka.com