Safiirka Somaliland U Fadhiya Dalka Itoobiya Oo Safaarada Ku Qaabilay Shaqaale Ka Tirsan Wasaaradda Duulista

0
Tuesday May 05, 2015 - 20:51:04 in by salman abdi
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Safiirka Somaliland U Fadhiya Dalka Itoobiya Oo Safaarada Ku Qaabilay Shaqaale Ka Tirsan Wasaaradda Duulista

    Safiirka Somaliland ee Dalka Ethiopia ayaa Safaarada Magaalada Adisa ababa ku qaabilay xubno ka tirsan shaqaalaha Wasaaradda Duulista Hawada Iyo Gaadiidka Cirka ee halkaa u jooga

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Safiirka Somaliland ee Dalka Ethiopia ayaa Safaarada Magaalada Adisa ababa ku qaabilay xubno ka tirsan shaqaalaha Wasaaradda Duulista Hawada Iyo Gaadiidka Cirka ee halkaa u jooga


waxbarasho, shaqaalahan oo ka koban Shan iyo Toban arday ayaa subaxnimadii hore ee Axadii kula kulmay Safaaradda Safiirka iyga oo fasax maalinta Axada ku koobnaa ku jiray dhinaca waxbarshada, Ambassador Ayaanle Salad diiriye oo kooxdaa kula hadlay xafiiskiisa ayaa yidhi "waxa aan soo dhaweynaa ardayda ka socota Wasarada Duulista iyo hawada oo halkan u yimi tababar ku saabsan cilmiga hagida diyaaradaha oo mudo 8 bilood halkan joogi doona”

Dhinaca kale Ambassador Ayaanle ayaa sheegay in ay arday kale oo loo tababarayo maamulka hawadda halkan iman doonan, waxana uu ardayda kula dardaarmay inay dadaalan. waxa isagun ahlkaasi goobjoog ka ahaa Maamule ku xigeenka Labaad ee Madaarka Cigaal Cabdilaahi Yuusuf Axmed, oo isna hawlo gaar u jooga Itoobiya.

Waxaa isaguna halkaa mahad naq ka soo jeediyey Gudoomiyaha Shaqaalaha halkaa waxbarshada u jooga Siciid Cali Muuse oo yidhi: " waxaan uga mahad celinaynaa sida diiran ee uu safaarada Somaliland ee Ethiopia noogu soo dhaweeyay iyo guud haan Wadanka Ethiopia Ambassador Ayaanle, waxa uu wax walba nala garab taagnaa Safiirku ilaa maalintii aanu nimi halkan waxaan leeyahay aad iyo aad ayaad u mahadsan tahay, waajibaadkaagii iyo in ka badanba waad noo qabatay Safiir,”

Dhinaca kale waxa uu Gudoomiye Siciid ka hadlay xaaladooda ay hada ku sugan yihiin waxaanuu yidhi: "waa ilahay mahadii wax waliba sidii naloogu sheegay ee Wasiir Maxamuud Xaashi noogu sheegay ayey noogu qabsoomeen oo guri weyan oo Wasaaraddu kiraysay ayaa nala dajiyey oo naloo qalabeeyaay oo la dhigay wixii aanu ku degenaan lahayan oo ilaa cuntadii naloogu diyaariyey wixii aanu u baahnayba, waxbarashadiina way noo bilaabmatay waanay noo soctaa oo maanta sida aad la socotaan waa Axad oo wadanka Ethiopia lagama shaqeeyo oo fasax ayaa lagu jiraa maalintaa ku kooban oo fasaxayagii waxaanu ugu tagney oo aanu ku qaadanaynaa Safaaradeena.” 



Contact@afkashacabka.com