Xoghayaha Qorshaynta Xisbiga Wadani Oo Isbarbar Dhig Ku Sameeyay Xukuumadihii Somaliland Soo Maray

0
Wednesday May 06, 2015 - 15:28:17 in by Burco Office
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xoghayaha Qorshaynta Xisbiga Wadani Oo Isbarbar Dhig Ku Sameeyay Xukuumadihii Somaliland Soo Maray

    Hargeysa(Afka)Somaliland waxay soo martay caqabado iyo maalmo adag balse manta maalin ay siyaasiyan ka liidataa ma soo marin.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa(Afka)Somaliland waxay soo martay caqabado iyo maalmo adag balse manta maalin ay siyaasiyan ka liidataa ma soo marin.



Waxay ka soo gudubtay imtixaankii hoose oo ahaa nabadayntii , isa samaxadii iyo isusoo hilawgii shacabka wallaala ah oo ka dhashay shirarkii dib u heshiisiinta ka kala dhacay Burco, Sheekh iyo boorama, waxaa marxaladaa kazoo gudbiyey qaranka Alla ha u naxariistee aabihii Somaliland madaxwayne Cabdiraxmaan Cali iyo madaxwayne Xassan ciise Jaamac
Somaliland waxay kazoo gudubtay imtixaankii dhexe oo ahaa dhismihii Dawladnimada ay ka mid ahayeen Dastuurka iyo Aftdidii xoriyada, marxaladaa adag waxaa qarankan kazoo gudbiyey siyaasigii Somaliland Alla ha u naxariistee madaxwayne Maxamed Ibraahim Cigaal iyo madaxwayne Cabdiraxman Aw Cali oo tariikhda Somaliland kaga qoran baal Dahaba
Somaliland waxay ka soo gudubtay imtixaankii sare oo ahaa midnimada shacabka, Dimuqraadiyadda iyo nadaamka xisbiyada badan, doorashooyin xor iyo xalaalah oo qabsoomay oo tusaale u noqday geeska Africa iyo caalamkaba, waxaa samirkiisa, kalsoonidiisa iyo wadaniyadiisa ku suurto geliyey madaxwayne Daahir Riyaale Kaahin iyo madaxwayne Axmed yuusuf yaasin oo aan sida muuqata wax badani ka danbayn oo Somaliland lagu majeerto
Xukuumada kulmiye waxay xilka qabatay Somaliland oo u diyaara inay u fadhiisato imtixaankii jaamacad oo ah Citiraaf iyo Horumar balse waxaa wax laga xumaado ah in shacabkii intiisa badan iyo beeshii caalamka ee aynu citiraafka iyo kaalmadaba martida uga ahay maanta inoo aragto inaynu fashilanay candhuuftiina dib u liqeen
Waxaan ahayn wax loo dulqaato Somaliland oo mida bari iyo galbeed in kulmiye lagu wareejay mantana barigii khaatumo ka taliso galbeedkiina jabhad ka cadhootay cadaalad la,aanta xukuumada kulmiye ee qadhiidha ka abuurantay, isku soo duuboo Somaliland waxay khasaartay wax badan oo aan dadku dareensayn weli madaxwayne axmed silaanyona waxay gayasiisay in aanu tariikhda wacan ee Somaliland qayb ka noqon
Waxxase yaabka yaabkii ah in uu manta korodhsiimo doonayo oo micneheedu yahay nin qoyani biyo iskama dhawro, waxsan cunaha kuu dhaafin iyo dhaar shilbaa jira madaxwayne
Golaha guurtida ee kordhinta laga sugayo waxaan xusuusin lahaa waad ogtihiin hareereheena
Khatumo iyo dagaalka hawd bari
Jabhada galbeedka iyo dawladaha deriska ah
Putland iyo Somalia
Waxay maleegayaan iyo halka Somaliland lala raboinay ku danbayso, Waxaan ugu baqayaa Golaha Guurtida inay ummada u tudhaan oo aan halkaa sano ee xaaranta ah wax kale lagu darin, waxaaba iska yar kalsoonida laga qabo in xukuumada kulmiye isku hayn karto inta shacabkii isku hadhay
Qarankanu wuxuu leeyahay Dastuur iyo shuruuc kala haga oo madaxwaynu ku yahay madaxwayne, guurtidu ku tahay guurti , komishanku ku yahay komishan, xisbigu ku yahay xisbi, garsoorku ku yahay garsoor, wakiiladuna ku yihiin wakiilo hadaba hadii lagu dhaqmi waayo cid wax ahaanaysaa ma jirto
Hadaba hadaan dhawr qodob ka iftiimiyo Xeerka doorashooyinka iyo Dastuurka Qaranka
XEER 20/2001 XEERKA DOORASHOOYINKA JSL
Qodobka 3aad
mudo xileedka musharxiinta la doortay waxay ahaanaysaa
Madaxwaynaha iyo ku xigeenkiisa 5 sano
Qodobka 8aad wakhtiga qabashada doorashhoyinka
Komishanka ayaa cayimaya taariikhaha la qbanayo doorashooyinka si waafaqsan dastuurka waxayna ku soo bixidoontaa degreeto madaxwayne,
Madaxwaynuhu kuma laha diidmo iyo yeeled midna ee waxaa lagu maasuusay inuu mudo cayman ku soo saaro degreeto madaxwayne oo keliya
Qodobka 11aad komishanka doorashooyinka
Komishanku wuxuu xilkiisa u gudanayaa si madax banana lagumana samayn karo wax faro gelina ah haba yaraatee
Hadaba halkay dooda guurtida ee ah komishanku xaq u laha caymaada doorashada kaga taal sharciga ma lajiifiyaana banana baynu weligeen ku soconaynaa, hadaynu shalay wax xun cunaynay ma wixii xubaynu weligeen cunaynaa
Qodobka 14aad awoodah komishanka
Komishanku wuxuu awood u leeyahay in uu cayimo wakhtiga doorashooyinka la qabanayo, iyagoo madaxwaynaha u gudbinaya si uu degreeto ugu soo saaro
Hadaba waxaanu madaxwaynaha ugu baqaynaa in uu degreetadii soo saaro intaan wakhtigu ka dhicin, wax guurtidu xaq u leedahayna ma jirto haba yartee oo doorashada quseeya
Hadaynu dhawr qodob isdul taagno oo Dastuurka jsl ka mida
Qodobka 37aad Awoodaha iyo karaamada qaranka
1. Eebbeha ummada Somaliland ku beeray geyigani waxa uu ugu deeqay awood iyo karaamo qaranimo.shacbiga jsl waxa uu awooddaas iyo karaamadaas sida ku cad Dastuurka u igmaday dawlad ku dhisnaan doonta kuna dhaqmi doonta Dastuurka.
Qodobka 61aad awooda iyo wajibaadka golaha Guurtida
1. Dejinta xeererka ku saabsan Diinta,dhaqanka iyo nabadgeyada
2. Dib u eegidda xeerarka golaha wakiiladu ansixiyo xeerka maaliyda mooyaane
3. Ka talo bixinta dhaliilaha maamul ee xukuumada iyo ogaysiintooda golha
Qodobka 88aad muddada xilka
1. Muddada xilka ee madaxwaynaha iyo ku xigeenka madaxwaynaha waa 5 sano oo ka bilabanta maalinta xilka loo dhaariyo
Shacabka waxaan ku boorinayaa in ay akhriyaan Dastuurka jsl.
Waxaan wax yar ka iftiiminayaa siyaasada Somaliland ee debedu inay khatar gelayso hadii doorashada la qabanwaayo 1stjune 2015 waxaana aynu ku waayi donaa dhaqaale badan iyo kalsooni badan oo caalamku inoo hayay sidaa darted waxaan ugu baqayaa dhamaan dadka jecel Somaliland in ay is hortagaan mudo kordhin ka badan sanaka komishanku cayimay.
Eng. ABDIRASHID M ALI
XOGHAYAHA QORSHAYNTA
XISBIGA WADDANI JSL