Gudoomiyaha Degmada Alleybadey Oo Beeniyay Inuu Qasabado La Baxey Balse Sheegay Inuu Badbaadiyay Ee Been Abuur Laga Sameeyay -

0
Wednesday May 06, 2015 - 15:36:55 in by Burco Office
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gudoomiyaha Degmada Alleybadey Oo Beeniyay Inuu Qasabado La Baxey Balse Sheegay Inuu Badbaadiyay Ee Been Abuur Laga Sameeyay -

    Alleybadey(afka)-Gudoomiyaha Degmada Alleybadey ee katirsan Gobolka Gabiley Kayse Muxumed Meegaar ayaa gabi ahaanba beeniyay inuu si badheedh ah dad katirsan Beeraleyda Degmada Alleybadey

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Alleybadey(afka)-Gudoomiyaha Degmada Alleybadey ee katirsan Gobolka Gabiley Kayse Muxumed Meegaar ayaa gabi ahaanba beeniyay inuu si badheedh ah dad katirsan Beeraleyda Degmada Alleybadey

 u siiyay Qasabadaha Biyaha Ceelka Dameera Boob,waxaanu sheegay Gudoomiyihu in ay ka badbaadiyeen dad la baxey oo habeenadii u dambeeyay qasabadahaasi ka gurtey nawaaxiga u dhexeeya Ceelka iyo Alleybadey isagoo ka jawaab celinaya kadib markii ay ku eedeeyeen qaar kamid ah Ganacsatada Alleybadey iyo Maamulaha Ceelka Dameera Boob.
Gudoomiyaha Degmada Alleybadey Keyse Muxumed Maageer oo Shabakada Wararka AFKASHACABKA kula soo xidhiidhay khadka Telefoonka isagoo jooga Degmada Alleybadey ayaa, sheegay in ay arintaasi tahay been abuur laga sameeyay islamarkaana, aanay jirin habayaraatee wax kajiraa,waxaanu carabka ku dhuftey in ay badbaadinta
Qasabadahan uga horeeyeen Maamuladii isaga ka horeeyay kuwaas oo ka saarey eeriyada in ka badan sadex boqol oo qasabadood kadib markii habeenba badh si tuugo ah loola baxey,Waxaanu Gudoomiyuhu xusey in ay hada badbaadiyeen shan iyo sodon xabo oo qasabadahaasi ah kadib markii ay la baxeen Tuugo qeybo kamid ah.
"Anigu waxaan ahay masuulkii Degmada igamana suurtowdo inaan qasabado ah kuwii biyaha loogu talagalay ee Ceelka Dameera Boob uga keenayay dhinaca Magaalada,waxaana talaabadan bilaabay in ay badhba habeen la baxaan dad gaar ah oo aanu kudaba jirno ilaa hada waxaanay aheyd arin ka horeysay xataa Maamulkayagii waayo Maamuladii naga horeeyay ee Degmada soo marey,si ay u badbaadiyaan waxey kasaareen eeriyadaasi ilaa sadex boqol oo qasabadood intoodii badneydna way taala, anaguna kadib markii aanu ogaanay habeenadii u dambeeyay in badh lala baxey ayaanu amarney in laga saaro inta hadhey oo ah 35 xabo waananu haynaa, waananu baadheynaa cidii xatooyadan sameysay, waayo ilaaliyaha ceelka laftiisa badh uu qaatey waxa lagaga reebay Tog-Wajaale oo ay ilaa hada yaalaan, cida qasabadahaa hore ee la baadi goobayo qaadatey waanu daba soconaa maamul ahaan kuwana anagaa badbaadinay, oo ka reebnay cidii qaadan laheyd"Ayuu yidhi Gudoomiyaha Degmada Alleybadey Keyse.


Waxaanu gabagabadii Sheegay Gudoomiyaha Degmada Alleybadey in ay u diyaarsan tahay dhinaciisa dacwada arintan iyo wixii raad ah ee ay hayaan, taas oo uu sheegay inuu ugudbinayo Maamulka Gobolka islamarkaan, uu Gudoomiyaha Gobolka ugu tagayo xafiiskiisa iasgoo haya Warbixinta wixii ay xog ka hayaan.
Dhinaca kale waxa uu Sheegay Gudoomiyaha Degmada Alleybadey, Keyse Muxumed Maageer in Gudoomiyaha Gobolka Gabiley ay ugudbiyaan mar walba xaalada Degmada Alleybadey iyo arimaha dhinaca Maamulkooda ku sahabsan,
Contact@afkashacabka,com