Hanaan Cusub Oo Casriya Oo Loo Diwaangalinayo Cod-bixiyayaasha Doorashooyinka Dalka Somaliland

0
Sunday April 06, 2014 - 20:06:19 in by salman abdi
  • Visits: 696
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hanaan Cusub Oo Casriya Oo Loo Diwaangalinayo Cod-bixiyayaasha Doorashooyinka Dalka Somaliland

    Komiishanka doorashooyinka Qaranka Somaliland, ayaa ku dhawaaqay hanaan cusub oo loo diwaangalinayo cod-bixiyayaasha doorashooyinka dalka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Komiishanka doorashooyinka Qaranka Somaliland, ayaa ku dhawaaqay hanaan cusub oo loo diwaangalinayo cod-bixiyayaasha doorashooyinka dalka.

Afhayeenka Guddida doorashooyinka qaranka, Maxamed Axmed Xirsi (Geelle), oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Hargeysa, ayaa sheegay in diwaangalinta soo socota oo dhacaysa bisha September dadka Isha Qofka la sawirayo marka uu kaadhka diwaangalinta qaadanayo, halka diwaangalintii hore farta qofka la sawirayey, taasi oo uu ku sheegay inay ka hor tagayso in cod bixinta lagaga hor tago.

Afhayeenka oo arrimahaa ka hadlayaa waxa uu yidhi "Waa Nidaam Casriya oo qofka halkii farta laga qaaday, imika waxa laga qaadayaa Isha oo wiilka isha ayaa la Sawirayaa, nidaamkaasi oo khuburadu noo sheegtay inuu boqolkiiba boqol ka wanaagsan yahay kii farta laga qaadayey (sawirayey), oo halkii Milyan ee qofba uu qof kaliya qaldami karo (xiliga doorashada)…”

Afhayeenku waxa kale oo uu sheegay in gobol walba diwaangalinta maalin gaar ah laga saamayn doono, sidaa daraadeedna dadkii gobollada isaga gudbi jiray si ay dhowr jeer u codeeyaan uu nidaamkani ka hor tagayo "Markaa qorshuhu waxa weeyaan in maadaama oo diwaangalintu ay wakhti qaadanayso, marka gobol la diwaangaliyo in muddo 24 saacadood gudahood ah koombuutarka la galiyo, si ciddii ku noqnoqotay (loo soo saaro), markaa Aad iyo aad ayay uga tahay sidii hore, waayo qofku markii hore khadka wuu iska maydhi jiray, laakiin imika isha lama bedali karo..” ayuu yidhi, waxaanu intaasi ku daray in ka hor bisha September ay diyaar-garoobayaan "September, intaan la gaadhin waxaanu sii qoreynaa shaqaalaha, waxaanuna dhamaynaynaa (Diwaangalinta) December, doorashada lix bilood ka hor…”


Afhayeenku, waxa kale oo uu sheegay inay qaadhaan-bixiyayaashu ka taaeerayaan diwaangalinta "Diwaangalintu gobolka mar ayay ka dhacaysaa sidii hore, waanuna ku kalsoonahay dhaqaaalaha, qaadhaan bixiyayaashuna way ballan-qaadeen, lacagta badhna dawladda ayaa bixinaysa..” ayuu yidhi.


Afkashacabka,com
Hargaysa/Office
Contact@afkashacabka.com