Wiil 17-Jir ah Oo Garaacis Iyo Jidh-dil Nafta Lagaga Gooyey Deegaanka Qardho Iyo Sababta Dhacdadaasi Ku Dhacday

0
Saturday May 09, 2015 - 00:21:28 in by Burco Office
  • Visits: 1120
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wiil 17-Jir ah Oo Garaacis Iyo Jidh-dil Nafta Lagaga Gooyey Deegaanka Qardho Iyo Sababta Dhacdadaasi Ku Dhacday

    Qardho(AFKA)-Dhacdadii ugu yaabka badnayd ee Muddooyinkan dambe ka dhacda Geyiga Soomaalida, ayaa ka dhacday Magaalada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar ee maamulka Puntland.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qardho(AFKA)-Dhacdadii ugu yaabka badnayd ee Muddooyinkan dambe ka dhacda Geyiga Soomaalida, ayaa ka dhacday Magaalada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar ee maamulka Puntland.

Dhacdadan, ayaa ah in Wiil 17-Jir ah oo dhiganayey Mahcadka Al-fajri sidii loo garaacayey ay naftu ka Baxday, isla-markaana Guudkiisa lagu arkay Nabarro tiro badan oo garaacistu gaadhsiisay.

Wiilkan ayaa kamid ahaa dhalinyaro 76 ah oo ku Xaraysnaa Machadkaas, isla-markaana la sheegay inay Baranayeen Shuruucda iyo Islaamiga ah.

Machadka Al fajri Islamarkaana Faracyo ku leh magaalooyinka Garoowe, Boosaaso, Qardho iyo Gaalkacyo waxaa dhamaan xarumahaasi ku Xaraysan Arday u badan wiilal oo laga keenay wadamada Qurbaha kuwaasoo oo walidkoodu halkaas u geeyeen inay Diinta Islaamka Baraan.

Hadaba Dadka reer Qardho ayaa shalay ku waaberiistey dhacdo Xanuun badan oo Xabsi Collage ka Qardho kuyaaley ka dhacday kadib markii ninka maamulaha ka ah Xaruntaasi oo lagu magacaabo Qaasim X C/raxmaan Ibraahim uu jidhdil iyo Garaacsi Nafta kaga qaaday Camaar C/xamiid C/xakiin oo ah 17 jir Soomaali Maraykan ah kuna dhashay gooblka Mennasota ee dalkaaasi Maraykanka.

Dadweynaha magaalada Qardho ayaa Xoog ku galay Xarunta dilku ka dhacay iyadoo ay kasoo daayeen Ardaydii ku jirtey oo dhammaantood Waalidookii kaxaysteen.

Maamulka gobolka iyo midka degmada ayaa Xidhay ninkii lahaa Xarunta iyadoo albaabada la isugu dhuftay xaruntii dilku ka dhacay hase ahaatee waxaa xarumo noocan ah ku yaalaan magaalooyinka dalka inta badan iyo faracyo kale oo ka jira qardho lafteedda.

Xarumahan ayaan ka diiwaan gashanayn Wasaarada Waxbarashada ee Puntland Waxaana dadweynaha magaalada Qardho xiligan yihiin kuwo siweyn u kacsan kana soo horjeeda in Xarumo noocan ahi kasii shaqeeyaan gobolka iyo Degmooyinkiisa.

Ninka Falkan Geystey oo ah maamulaha Xarumaha Al-Farjri lagu jidhdilo Caruurtan hadana nafka gooyada geystey ayaa la sheegay inaanu waalayn iyadoo Bilaysku markay Su’aalo waydiiyeena uu sheegay inuu Jin ka saarayey. 

Contact@afkashacabka.com