Xisbiga Consevative-ka Oo Guulo Lama Filaan ah Kasoo Hooyey Doorashooyinkii Dalka Britain Iyo Sababaha Guushiisa Saaciday

0
Saturday May 09, 2015 - 00:42:41 in by Burco Office
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xisbiga Consevative-ka Oo Guulo Lama Filaan ah Kasoo Hooyey Doorashooyinkii Dalka Britain Iyo Sababaha Guushiisa Saaciday

    London(AFKA)-Doorashooyinkii Maalintii shalay ka qabsoomay Guud ahaanba Dalka Uk, ayaa waxa Guul kasoo hooyey Xisbiga Conservative-ka ee uu hoggaamiyo Ra'isal wasaare David Cameron, waxana uu helay Kuraastii ugu badnayd ee Axsaabtu hesho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

London(AFKA)-Doorashooyinkii Maalintii shalay ka qabsoomay Guud ahaanba Dalka Uk, ayaa waxa Guul kasoo hooyey Xisbiga Conservative-ka ee uu hoggaamiyo Ra'isal wasaare David Cameron, waxana uu helay Kuraastii ugu badnayd ee Axsaabtu hesho.


Inkastoo aanay helin aqlabiyad ay keligood Xukuumad ku soo dhisi karaan, haddana waxa ay soo hooyeen Guul, waxaana Baarlamaanka UK markii saddexaad noqdey Hung Parliament.

Xisbiga Conservative-ka ee hayey talada dalka Britain shantii sano ee la soo dhaafey ayaa lagu wadaa in uu urursado kuraas gaadheysa 316 kursi, waxaana hore u haysteen 302 taas oo ka dhigan in ay heleen kuraas cusub, iyada oo tirada guud ee Xildhibaanada UK ay tahay 650 Xildhibaan, waxaana dowladda lagu dhisi karaa 326 kursi.

Xisbiga Shaqaalaha ee uu hoggamiyo Ed Miliband ayaa lagu wadaa in ay hoos uga dhacaan kuraastii ay hore u lahaayeen oo ahayd 256 kursi, waxaana hadda ay helayaan 239 kursi, taas oo si weyn uga duwan saadaashii warbaahinta iyo hay’adaha cilmibaadhistu isku raaceen in doorashadu noqoneyso mid la isku bar-bar dhaco.

Ed Miliband ayaa weji gabax kala kulmey Scotland oo hore si weyn xisbigiisa looga soo dooran jirey, waxaana uu fariin u direy dhamaan Xildhibaanadii xisbiga shaqaalaha ee looga guuleystey Scotland, isaga oo ku tilmaamey habeen qadhaadh.

Xisbiga guusha ugu weyn raacdey ayaa ah xisbiga SNP ee Scotish National Party, waxaana lagu wadaa in uu urursado kuraas dhan 58 kursi, iyaga oo hore u lahaan jirey 6 kursi oo keliya.

SNP ayaa si weyn looga soo doortey gobolka Scotland oo hore looga dooran jirey Xisbiga shaqaalaha Labour Party, Xisbiga SNP ayaa noqonaya Xisbiga saddexaad, waana Xisbiga hadda ugu weyn gobolka Scotland. Waxyaabaha taariikhda galay ee doorashada Uk 2015 ayaa ah in markii u horeysey muddo qarniyo ah Baarlamaanka UK u so galey qof 20 sano jir ah, Mhairi Black oo gabar dhigata Jaamacadda Glassgow ayaa loo doortey Baarlamaanka UK, waxaana ay ka soo gashey Xisbiga SNP, iyada oo dhulka ku jiidey ruug-cadaa muddo 20 sano ah soo fadhiyey Baarlamaanka UK o ka tirsanaa Xisbiga Labour-ka, Douglas Alexander, kaas oo ay kursiga kula tartantey.

Xisbiga Liberal Democrat ee uu hoggaamiyo Nick Cleg ayaa noqdey mid daadku qaadey isla markaana ay ku dhacdey khasaarada ugu ballaadhan waxaana uu hoos ugu dhacay wax ka hoseeya 10 kursi, halka uu hore u haytey 56 kursi, Xisbigan ayaa eersadey kamid noqoshadii Xukuumaddii DavidCameron ee ay kula midoobeen dowladda sanadkii 2010, waxaana ay ku khasbanaadeen in ay wax badan ku shaqeeyan siyasad ka hor imaneysa tagerayaashooda.

Xisbiga sida weyn loo saadaalinaayey in u doorashadan guul ka keeni karo isla markaana ku dhisan cunsurinimada ee UKIP ayaan noqon sida la filaayey, waxaana lagu wadaa in ay helaan laba kursi oo keliya oo ay hore u haysteen.

Baadhitaano badan oo la sameeyey ayaa la saadaalinaayey in labada Xisbi ee Shaqaalaha iyo hantigoosadku ay isku barbar dhacayaan, taasise waxay noqotey mid beenowda, sanadkii 1992 ayaa sidan oo kale la saadaalinaayey in labada xisbi ee u weyn isku kuraas noqonayaan. Xisbiga Conservative oo uu markaas hoggaaminaayey Sir John Major ayaa si weyn ugu guuleystey weliba aqlabiyad ah.

Guusha Xisbiga Conservative party ayaa la aaminsan yahay in ay timid kadib markii ay isbedeleen taaageerayaashii Xisbiga xagjirka ah ee UKIP, kuwaas oo u arkey in ay codadkooda khasaarinayaan fursadna siinayaan Xisbiyada dhanka bidixda, waxaana la aaminsan ahay in Conservative party codad badan sidaas ku heleen maadaama ay doorashada ku galeen in a dadka British-ka fursad sinayaan in ay ka baxaan Midowga Yurub iyo in ay ku si jiraan oo sanadka 2017 la qaadi doono afti, waana asaasiyaadka UKIP u ku dhisnaa.

Si kastaba ha ahaatee David Cameron ayaa mar labaad soo dhisaya Xukuumadda Britain hoggaamineysa shanta sano ee soo socota, waxaase la is weydiinayaa cidda la dhisi doonta xukuumadda, ma wadaag ayey noqon, mise waxa uu soo dhisidoona Xukumad aan aqlibiyad haysan isla markaana heshiis la gasha Xisbiga SNP in aan la ridin xukuumadda, madaama LIBDEM daadku qaadey!.


Contct@afshacabka.com