munaasibad Loogu Mahadcelinayay Golaha Degaanka Sheffield Sida Qimaha leh ee U Aqoonsadeen Somaliland iyo Jaliyada rer Somaliland Ee Ku Dhaqan Sheffield+Sawiro

0
Sunday April 06, 2014 - 20:47:50 in by salman abdi
  • Visits: 1151
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    munaasibad Loogu Mahadcelinayay Golaha Degaanka Sheffield Sida Qimaha leh ee U Aqoonsadeen Somaliland iyo Jaliyada rer Somaliland Ee Ku Dhaqan Sheffield+Sawiro

    Munaasiba ballaadhan oo uu soo qaban qaabiyay Xidhiidhiyaha Jaaliyaddaha Yurub Cabdiraxmaan Cali Ubaxle, ayna ka soo qayb galeen badi qurbajooga rer Somaliland ee hadda ku sugan dalka gudihiisa ayaa lagu qabtay Magaaladda Hargaysa.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Munaasiba ballaadhan oo uu soo qaban qaabiyay Xidhiidhiyaha Jaaliyaddaha Yurub Cabdiraxmaan Cali Ubaxle, ayna ka soo qayb galeen badi qurbajooga rer Somaliland ee hadda ku sugan dalka gudihiisa ayaa lagu qabtay Magaaladda Hargaysa.

Munaasibadaas oo loogu tallo galay in lagu hanbalyeeyo looguna mahad naqo Golaha degaanka Magaaladda Sheffield oo iyagu u ceeyay Arbacadii aqoonsiga Somaliland, iyo jaaliyada ku dhaqan Magaaladdaas oo si weyn arrintaas uga soo shaqeeyay.

 Waxaa ka qaybgalay, Xoghaha Guud ee Xisbiga KULMIYE Xasan Siciid, Safiirka Somaliland ee dalka Sweden Rooda Maxamed Cilmi, Maareeyaha Tv’ga Qaranka Khadar Cali Gaas, Xidhiidhiyaha Jaaliyadaha Yurub Cabdiraxmaan Cali Ubaxle, Wasiir ku-xigeenkii hore arrimaha debadda, Kayse Guray, Safiirkii hore ee Somaliland u fadhiyay Waddanka Ireland, Ambassador Cabdifataax Siciid Axmed, Maxamed Aadan Qabo oo kamid ah siyaasiyiinta Somaliland, Guddoomiyhii hore ee hay’adda qurbajooga Maxamuud Cabdiraxmaan, Wasiirkii hore ee arrimaha bulshada Somaliland, Ilhaan Maxamed Jaamac, Suxufiga rug cadaaga ah ee Mijir Qaadi Maxamuud iyo xubno kale oo dhammaantood kamid ahaa dadka sida weyn ula socda qadiyada aqoonsiga Somaliland.

Munaasibaad waxaa ugu horeyn ka hadlay Xidhiidhiyaha Jaaliyaha Yurub Cabdiraxmaan Ubaxle, oo ka waramay u jeedada ay munaasibadan u soo qaban qaabiyeen, taas oo uu ku sheegay inay tahay, sidii loo tusi lahaa Golaha degaanka Magaaladda Sheffield muhiimada ya dalka Somaliland u leedahay dhawaqoodi ay ku qireen Ictiraafka waddanka, sidoo kale loo muujiyo Jaaliyada rer Somaliland ee Magaaladda Sheffield mahad naqa alle ka sokow ay mudan yihiin iyo dadaalkii ay sameeyeen, laguna dhiiri galiyo Jaaliyadaha kale inay ku dhaqaaqan talaabadan mid lamid ah. Safiirka Somaliland u fadhiya dalka Sweden Rooda Maxamed Cilmi oo iyana munasibadaas ka hadashay, waxaa hadaladeedi kamid ahaa. "Runtii arrinta Sheffield ka soo baxay waa mid naruuro u ah waddanka Somaliland, waliba anigu waan ku farxay inay ka soo baxdo Uk, maxaayeelay waddanka Ingiriisku muddooyinkii u danbeeyay sidii hore ulamuu shaqaynayn Somaliland”.

Wasiirkii hore ee Qoyska iyo arrimaha bulshada Ilhaan Maxamed Jaamac oo iyana halkaas ka hadashay ayaa tidhi. "Waxaan raadinaayay meel aan uga hanbalyeeyo Rer Sheffield, aad baan ugu farax sanahay xafladan uu inoo soo qaban qaabiyay Cabdiraxmaan Ubaxle oo maanta jaanis aynu u helnay, wax fiican ayay qabteen waxaana haboon in dhammaan Jaaliyadaha kale ku daydaan oo tan oo kale sameeyaan.”

Ambasador Cabdifataax Siciid Axmed oo hore u ahaa Safiirkii Ireland u fadhiyay waddanka Somaliland, ayaa si mugleh u sharxay muhiimada aqoonsiga Sheffield iyo culayska uu saarayo dawladda hadda taladda UK haysa, sidoo kale wuxuu ka waramay qaabka looga midha dhalin karo Ictiraaf raadinta. Siyaasi Maxamed Aadan Qabo, oo isna halkaas ka hadlay ayaa ku taliyay in Somaliland lagu casuumo Xildhbaanada golaha degaanka Sheffield, si loo sii ambaqaado qadiyadan. Suxufi Mijir Qaadi Maxamuud iyo Mareeyaha Tv’ga Qaranka Khadar Cali Gaas iyo masuuliyiin tirobadan oo munasibadaas ka hadashay ayaa dhammaantod waxay hanbalyo iyo bogaadin u direen Jaaliyada rer Sheffield iyo Xildhibaanada golaha degaanka Magaaladaas. Sidoo kale waxay u soo jeediyeen dhammaan qurbajooga Somaliland inay kaga daydaan qaabkii ay sameeyeen rer Sheffield.



Afkashacabka.com
Hargaysa/Office
Contact@Afkashacabka.com