Daawo: Ardayda iyo Macaliminta Jamacadda Addis oo Xus Baroordiiq ah u sameeyey Guddoomiyahoodi Geeriyooday iyo Masuliyiinta Gobolka oo Tacsi u Diray

0
Monday May 11, 2015 - 15:58:52 in by salman abdi
  • Visits: 1779
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daawo: Ardayda iyo Macaliminta Jamacadda Addis oo Xus Baroordiiq ah u sameeyey Guddoomiyahoodi Geeriyooday iyo Masuliyiinta Gobolka oo Tacsi u Diray

    Maamulka iyo Ardayda Jaamacadda Addis University Burco ayaa Xus Baroor Diiq ah u sameeyey Alla ha u naxariistee Guddomiyihii Jamacadaasii oo 3 Maalmood ka hor ku geeriyooday Shil Baabuur oo ka dhacay Duleedka Waqooyi ee Burco,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maamulka iyo Ardayda Jaamacadda Addis University Burco ayaa Xus Baroor Diiq ah u sameeyey Alla ha u naxariistee Guddomiyihii Jamacadaasii oo 3 Maalmood ka hor ku geeriyooday Shil Baabuur oo ka dhacay Duleedka Waqooyi ee Burco,

Waxan Munasibadda Baroordiiqda Guddomiyahaasi ka soo qaybgalay Inta Badan Dhalinyaradii, Aqoonyahankii iyo Bulshadii
ay isku xidhnaayeen ee ay asxaabta ahaayen, Culima awdiin iyo Macaliminta iyo Ardayda Jamacadaasi, Waxana halkaas
lagaga sheekeeyey Taariikhda Alla ha u naxariste Marxuum maxmed Siciid Maxmed, iyadoo halkasna loogu duceeyey isaga iyo
laba hablood oo ay ku wada geeriyoodeen shilkaasi Baabuur iyo Dadkale oo dhaawac ah oo Cusbitaalka u jiifa Dhaawacyadii
kasoo gaadhay shilkaasi Baabuur.

Sh. Mawliid ooka mida Culimada Gobolka Togdheer ayaa Bulshadii ka soo qaybgashay Xuskaasi Baroordiiqda ah u jeediyey Muxaadaro
Qiimo badnay oo ka warramaysa Adduunyadu inaanay Macno lahayn iyo in loo shaqaysto Aakhiro oo ah halka lagu waarayo
ee qof walba ku danbaynayo, isagoo sheekhu u duceeyey Marxuumka iyo dadki kale ee dhintayba iyo weliba kuwa dhaawaca ah.

Xubno ka socday Jaamacadaha kale ee Gobolka iyo Suugaanyahano Dhalinyaro ah oo halkaas ka hadlay aya iyagunaka hadlay
Xuskan,Waxana Sido kale Tacsi u diray Marxuumka iyo xubnaha kale ee ay shilkasi ku wada dhinteen ba Masuliyinta Gobolka
iyo Degmada Burco.

 
Waa Marki u horeysay ee Xus Duco ah loo sameeyo Alla ha u naxariistee Marxuum Maxmed Sicid Maxmed iyo Xubnaha kale ee
ay isku wakhtiga wada dhinteen ba, iyadoo Madasha Xuskani ahayd madal ay qiiro badan, duco iyo xuska alle hadheeyey.

Contact@afkashacabka.com