Iska-horimaad Ciidanka Dowladda Somalia iyo kuwa Al-shabaab ku Dhex-maray Gobolka Bakool

0
Tuesday May 12, 2015 - 09:34:55 in by Burco Office
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Iska-horimaad Ciidanka Dowladda Somalia iyo kuwa Al-shabaab ku Dhex-maray Gobolka Bakool

    Iska-horimaad Khasaare Nafeed Geystay ayaa maanta ku dhex-maray duleedka degmada Rabdhuurre ee Gobolka Bakool, iyadoo ay Labada dhinac guulo ka sheegteen dagaalkaas.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Iska-horimaad Khasaare Nafeed Geystay ayaa maanta ku dhex-maray duleedka degmada Rabdhuurre ee Gobolka Bakool, iyadoo ay Labada dhinac guulo ka sheegteen dagaalkaas.

Dagaalkan ayaa wuxuu billowday kaddib markii xoogag ka tirsan Al-shabaab ay weerar gaadmo ah ku qaadeen saldhigyo ay ciidamada dowladda Somalia ku leeyihiin duleedka degmada Rabdhuurre.

Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Gobolka Bakool ayaa sheegay in dagaalka ay ku dileen in ka badan toban dagaalyahan oo Al-shabaab ka tirsan, balse ma sheegin khasaaraha dhankooda kasoo gaaray.

Sidoo kale, Al-shabaab ayaa sheegtay dhankeeda inay dagaalkaas askar ka tirsan ciidanka dowladda Somalia ku dilee, balse iyaguna ma sheegin tirada ay ku dileen dagaalkaas iyo khasaaraha dhankooda soo gaaray.

Wararka laga helayo gobolka Bakool ayaa sheegaya in dagaalka uu saakay billowday uuna socday muddo saacado ah, iyadoo deegaanka uu dagaalku ka dhacay aysan ku nooleyn dad shacab ah.

Goobtii lagu dagaalamay ayaa la sheegay inay ku sugan yihiin ciidamada dowladda Somalia, iyadoo sidoo kalena ay gaareen ciidammo ka tirsan kuwa Itoobiya ee qaybta ka ah howgalka AMISOM.

Xoogaggii Al-shabaab ee weerarka soo qaaday ayaa iyagana la sheegay inay goobta isaga tageen, iyadoo aan la ogeyn halka ay aadeen, iyadoo dagaalka ka dhacay duleedka Rabdhuurre uu ka mid noqonayo dagaallo sannadihii la soo dhaafay ka dhacayay gobolka Bakool.



Contact@afkashacabka.com