Madaxweynaha Mareykanka oo ka Laabtay Magacaabistii Danjiraha Mareykanka ee Somalia

0
Tuesday May 12, 2015 - 10:12:11 in by Burco Office
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Mareykanka oo ka Laabtay Magacaabistii Danjiraha Mareykanka ee Somalia

    Madaxweynaha Mareykanka, Barack Obama ayaa dib uga la laabtay magacaabista danjirhiii uu dhawaan u magacaabay Soomaaliya, taasoo noqonaysay tii ugu horreysay oo danjire uu Mareykanku ugu soo magacaabo Somalia 25-sano kaddib.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Mareykanka, Barack Obama ayaa dib uga la laabtay magacaabista danjirhiii uu dhawaan u magacaabay Soomaaliya, taasoo noqonaysay tii ugu horreysay oo danjire uu Mareykanku ugu soo magacaabo Somalia 25-sano kaddib.

Saraakiil ka tirsan dowladda Mareykanka ayaa sheegay inaysan ogeyn sabab keentay in Obama uu ka laabto magacaabiddaas, iyadoo danjire Katherine Simonds Dhanani ay horay uga soo shaqeysay Afrika. Iyadoo la sheegay in la filayo in danjire kale lagu bedelo.

Dowladda Mareykanka ayaa xirtay safaaraddii ay ku lahayd Somalia 1991-kii markaasoo la riday xukuumaddii millateriga ahayd ee Somalia, daslkana ay ka billowdeen dagaallo sokeeye.

Obama ayaa ka laabashadiisa danjirihii uu u soo magacaabay Somaia waxay kusoo beeg-maysaa xilli toddobaadkii hore uu Muqdisho soo booqday wasiirka arrimaha dibadda ee Mareykanka, John Kerry, isagoo kulammo kala duwan la qaatay madaxda dalka, bulshada rayidka iyo saraakiisha AMISOM.

Kerry ayaa sheegay in xiriirka Mareykanka iyo Somalia uu yahay mid aad u adag, isagoo xusay in safaaraddoodii Somalia ay dib u furi doonaan, taasna ay horseedi doonto in labada calan ay ka dul-babadaan labada caasimadood ee Mareykanka iyo Somalia.

Danjire Katharine Dhanani ayaa loo magacaabay danjiraha Soomaaliya bishii Feberaayo ee Sannadkan, balse lama oga sababta keentay in Obama uu dib uga laabto magacaabiddeeda, iyadoo la filayo in Mareykanku uu dib u furto safaaraddiisii Muqdisho.

Ugu dambeyn, dublamaasiyiin ka tirsan safaaradda Mareykanka ee Somalia oo haatan ku shaqeysa Nairobi ayaa xaqiijiyay in lagu soo wargeliyay in laga laabtay magacaabistii dan-jirihii Mareykanka ee Soomaaliya, Katharine Dhanani.




Contact@afkashacabka.com