Sheekh Aadan Siiro oo Dalka Dib Ugu Soo Laabtay Kadib Safar Caafimaad oo uu Ugu Maqnaa Dalka Dibadiisa & Xaaladiisa Caafimaad oo Aad U Wanaagsan
.
Wasiiro ka tirsan xukuumada, Salaadiin iyo Boqolaal dadweyne ah ayaa
si meeqaam sarre kaga hor-tegay garoonka diyaarahada ee Cigaal, waxaana
ay u galbiyeen Hotel Guuleed halkaasi oo uu kula hadlay dadweynihii soo
dhaweeyay isaga oo sidoo kale ka war-bixiyey xaalkiisa caafimaad. Sheekh
Aadan Xaaji Maxamuud Xiirey (Siiro) oo ka mid ah Culimadda waa weyn ee
Somaliland ayaa qalliin ku gallay wadanka Hindiya ka dib markii
Inantiisu ay u saartay mid ka mid ah kelyaheeda.
Sheikh Aadan Siiro ayaa sheegay inay xaaladiisa Caafimaad aad u
wanaagsantahay., waxaana uu ugu mahad-naqay dadkii soo dhaweeyay iyo
kuwii xaaladiisa caafimaad la socday ee guddaha iyo dibadaba iyo
inantiisa baariyada ah ee nafteeda u hurtay, waxaana hadaladiisi ka mid
ahaa "Walaalayaal aad ayaad u mahad-san tihiin, waxaan aad iyo aad ugu
mahad-naqayaa dadka ehelkee kheyrka badan leh ee iga hor-yimid, waxaa
kale oo aan aad ugu mahad-naqayaa inantii aan dhalay ee idin furatay,
Somaliland oo dhan bay furatay, ehelkii oo dhan bay furatay dhamaanteen
culeys ina haystay bay inaga furatay”
Sheekh Aadan oo wejigiisa ay ka muuqatay hillaw iyo kalgacal uu dadkiisa
iyo dalkiisa u qabo ayaa sii xusay mahad-naqa uu u hayo dadkiisa,
waxaana uu yidhi "Waxaan kale oo aan aad ugu mahad-naqayaa ilaa 18-qof
oo u soo diyaar garoobay oo dadka ehelka ah ka mid ah inay kelidaa ii
bixiyaan, laakiin aan anigu aan ku idhi horta bal annagu reer Xaaji
Aadan Maxamuud ahaan bal horta annagu aanu soo kala dhamaano. Waxaan aad
iyo aad ugu mahad-naqayaa dadkii faraha baddnaa ee runtii igu xidhnaa
ee habeen iyo maalin ila soo xidhiidhayay ee uu ka mid ahaa wasiirka
Arrimaha Dibada Maxamed Biixi Yoonis. Waxaa kale oo aan u mahad-naqayaa
ilaa Kontomeeyo qof oo si hagar la’aan ah oo Insha Allaahu aan
magacyadooda halka dambe aan ka soo sheegi doono, waxaan leeyahay
Baaraka-laahu Fiikum”.
Ugu dambeyntii Sheekh Aadan ayaa ummada Somaliland ugu baaqay inay ku
faro-adaygan midnimada, nabada iyo qaranimada ay hastaan "Dad yar baynu
nahay Somaliland, nabadu waa lama huraan, midnimadeenu waa lama huraan,
qaranimadeenu waa lama huraan. Wakhti xasaasi ah oo kala guur ah ayaan
ku jirnaa, waxaynu ku heshiino si taa u ilaalino mar walba waxaynu ku
heshiino ha la ilaaliyo, waxay ahayd inaan 6-billood sii joogo
dhakhtarka laakiin waxaan doorbiday maadaaba aan 7-billood idinka maqnaa
inaan dalkii ku soo noqdo oo wax kasta oo jira oo duruufo caafimaad
haddana aan nolosha idinla qeybsado” ayuu hadalkiisi ku soo koobay
Sheekh Aadan.
Sheekh Aadan Siiro oo Dalka Dib Ugu Soo Laabtay Kadib Safar Caafimaad oo uu Ugu Maqnaa Dalka Dibadiisa & Xaaladiisa Caafimaad oo Aad U Wanaagsan
Hargeysa (AFKA) Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiirey (Aadan Siiro) ayaa maanta si weyn loogu soo dhaweeyay caasimadda Hargeysa, ka dib markii uu safar Caafimaad oo muddo toddoba billod ah ugu maqnaa dalka Hindiya uu soo dhamaystay