Daawo: Odayaasha iyo Waxgaradka Burco iyo Xaajisaalax oo Taageray Muddo Kordhinta Guurtidu u samaysay Xukumada

0
Tuesday May 12, 2015 - 16:06:19 in by salman abdi
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daawo: Odayaasha iyo Waxgaradka Burco iyo Xaajisaalax oo Taageray Muddo Kordhinta Guurtidu u samaysay Xukumada

    Cuqaasha iyo Waxgaradka Gobolka Togdheer Gaar ahaan Degmooyinka Burco iyo Xaajisaalax ayaa Maanta si mug leh u taafeeray Muddo kordhinta ay Golaha Guurtidu u sameeyeen Xukuumadda Madaxweyne Siilanyo,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Cuqaasha iyo Waxgaradka Gobolka Togdheer Gaar ahaan Degmooyinka Burco iyo Xaajisaalax ayaa Maanta si mug leh u taafeeray Muddo kordhinta ay Golaha Guurtidu u sameeyeen Xukuumadda Madaxweyne Siilanyo,
Waxayna sheegeen inay iyagu hore ugu kordhiyeen muddo 2 sano ah
wakhtigii uu safarka ku marayey Degaanka Xaajisaalax, sidaas darteedna ay so dhoweynayaan
Tallaabada ay golaha guurtidu muddada ugu kordhiyeen xukuumadda, Waxay kaloo sheegeen
inaanay ogolaan doonin cid Nabadgelyada Dalka Wax u dhinta isla markaasna xaalad abuur ka
samaysa waddanka, iyagoo Tilmaamay in Muddadii Xisbiyada Qaranka iyo Komishanku hore ugu
Dhawaaqeen ee shacabku taageeray lagu daray uun 4 Bilood oo keliya, 4taasi Bilood na
aanay ahayn wax Rabshad iyo xaalad loo abuuro.

Dhawaaqyada Madaxdhaqameedka iyo Waxgaradka Degmooyinka Dalka ee ku aaddan ilaalinta Nabadgelyada
iyo Taageerada Muddo kordhinta ay Guurtidu u samaysay Xukumadda ayaa isa soo taraya tan iyo
Markii Xisbiga Wadani ku baaqay Mudaharaad ka dhan ah Muddo kordhin ay guurtidu samayso.