Dablay Hubaysan Oo Magalada Lascanood ku Dilay Mid Kamida Shaqalaha Hayada BISHA CAS

0
Sunday April 06, 2014 - 22:21:44 in by salman abdi
  • Visits: 825
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dablay Hubaysan Oo Magalada Lascanood ku Dilay Mid Kamida Shaqalaha Hayada BISHA CAS

    Dablay hubaysan ayaa toogasho ku dishay gudaha magaaladdaLaascaanood ee Gobalka Soolmid ka mid ah hawl-wadeenada Hay'adda Bisha cas ee Somaliland oo lagu magacaabi jiray Marxuum Cabdiraxamaan Cabdilaahi Maxamed,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dablay hubaysan ayaa toogasho ku dishay gudaha magaaladdaLaascaanood ee Gobalka Soolmid ka mid ah hawl-wadeenada Hay'adda Bisha cas ee Somaliland oo lagu magacaabi jiray Marxuum Cabdiraxamaan Cabdilaahi Maxamed,

 sidaana waxa noo xaqiijiyay dad goob joog ah oo uu khadka Telefoonka kula xidhiidhay Wariye Cabdiqaadir Maxamed Ciid (Baay), oo ka tirsan Shabakadda wararka ee caalamiga ah ee Hadhwanaagnews iyaga oo jooga magaaladda Laascaanood.


Marxuumka oo ka mid ahaa dirawaladda Hay’adda bisha cas ee Soomaliland ayaa si rasmi ah loo xaqiijiyay in aano qabiil awgeed loogu dhex toogtay gudaha magaalada Laascaanood,isaga oo ka soo baxay gurigiisa oo lugaynaya.
Warku waxa kale oo intaa ku daray in idhaawicii marxuumka ka soo gaadhay toogashadan kaddiib

in loola cararay magaaladda Garoowe oo ahayd halka ugu dhow, balse uu u dhintay maanta dhaawicii.

Ma jiro wax war ah oo ku saabsan dilkan toogashadda ah oo weli si rasmi ah uga soo baxay maamulka iyo saraakiisha ammaanka ee Gobalka Sool, Dhinaca kale warar aanu ka soo xiganay dad goob joog ahaa ayaa tibaaxaya in gacanta lagu dhigay gacan ku dhiigglihii geystay dilka

Afkashacabaka.com
Haragaysa/Office
Contact@Afkashacabka.com