Maalintuu Qayilaan Ka Quustay W/Q: Mustafe Magaalo

0
Thursday May 14, 2015 - 07:26:56 in by salman abdi
  • Visits: 1495
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maalintuu Qayilaan Ka Quustay W/Q: Mustafe Magaalo

    Waa Caweys Jimce ah, oo aanan Shaqo badan lahayn, waxan had iyo goor fiidkii iska fadhiista makhaayadaha Dhalinyaradu ku kulanto oo aanu Dood iyo falanqayn Arrimaha Dhalinyarada iyo ....

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waa Caweys Jimce ah, oo aanan Shaqo badan lahayn, waxan had iyo goor fiidkii iska fadhiista makhaayadaha Dhalinyaradu ku kulanto oo aanu Dood iyo falanqayn Arrimaha Dhalinyarada iyo ....

 

 

Horumarka Bulshadeena kaga arrinsano oo kaga doodno, ha yeeshee habeen nin baa makhayadaahaas laga waayaa oo naga fara muruxsada, intii aanaan makhaayada fadhiisigooda Bilaabin mararka aanu goobaha xafladaha iyo waxbarashada isugu nimaadno waxanu isku dacaayadayn jirnay, Hebel wuu qayilayaa Beri Dhow iyo Hebelow waad qayilaysa goor ay noqoto ba, waayo dadka qaar ba kala muuqday oo dhaqanadooda aanu ku qiimayn jirnay, qofka yara dhaqan ka xun ama dadka qayila saaxiibka la ah ayaanu sidaas ku odhan jirnay, mid walba wuu ka Gubta waanu ka doodaa waanu ka murmaa, bal waynu eegi keena qayila iyo keena sidaa noqda ayaa la isugu hanjabi jiray laguna ballami jiray, calaa kulli xaal waatan la yara koray ee la sii waynaaday, waatan makhaayado fadhiisad iyo ka talin arrimo Bulsho la galay, waa tan dhalinyaro badan iyo dad badanoo haldoor ah ama masuuliyiin ah la isku xidhmay, waa taan Bulshada qayb walba la iska bartay, waa tan caan la yara noqday ee wakhtiga iyo fursadaha manta la haystaana ku yar saacideen, waa tan aad aragtay kolba qof fadhiga kaaga kacaya iyo mid masuul ah oo aad wax weyn ama qof culus oo an la baran Karin u taqaanay si weyn oo meeqaam sare ah kuu qaabilay, waa tan yididiilo iyo farxad kale ku sii gashay, waadiga illaaway ba ballamo badan iyo dacaayado idinka dhexeeyey saaxibadaadii illaa cayaalnimadaadii qaar, waadiga qaar xasuusan laakin iska ilaaliyey markii ad ku kacday wixi aad isku dacaayadayn jirten sannado badan ka hor, waa tan noloshaadi is bedeshay ee Bulshada intii xumayd iyo intii qayilaysay iyo marfash fadhiisiga taqaanay kugu badatay ee ku bedeshay, waa tan intii aan tukan jirin, intii cayda iyo kibirka iyo isla waynida ku caanka ahayd kugu badatay, waadiga si weyn kuwaas isu dhex galay, waa kuwa hankaagi iyo himiladaadii kaa Duway, waa kuwa ku tusay Dariiq kale oo iyagu fiicnaan, fariidnimo iyo ilbaxnimo ay u arkaan, wadiga adna ku qancay ee iska raacay, waadiga halkay maraan ba la maray, illaa aad la qayishay, la fadhiisatay marfashyada, xattaa ay kuu geeyeen meelo wax ka xun qayilaada lagu sameeyo, waadiga mar qudha cidleeyey saaxibadaadii horumarka Bulshada ka shaqayn jiray, saaxibadaadii aad horumarka ka wada doodi jirteen, barnaamijyada wax tarka u ah Bulshada iyo Da’yarta wada abaabuli jirteen hibooyinkaagii iyo dedaalkaaga soo saari jiray, iyago qofka qaaliga ah ee illaa yaraantiisi hammiga wacnaa ku arkayey mar qudha aad ka siibatay, waadiga ogaaday inay ka xanaaqayaan waxan aad dhex gashay haday kula hadli waayaana inay qalbiga kaa dhibsanayaan, haday kuu sheegaana aad ba la colloobayso ama isku dhacaysaan, waadiga habeen iyo maalin kolba mid ka dhuuntay, adaa saaaxiibo badnaa oo marka hore ba dadka wanaagsan yaqaanaye, iminka uun lagu dooriyee , waadiga tuke baalcad noqday, waadiga mijin qaad ah adigoon si xor ah u iibsan Karin hadana marfashyadii iyo dad xun la qayilkii iska sii watay, waadiga marna ka fekeri waayey halkan aad fadhido iyo halkad markii hore isla taagnayd iyamaa la qaatay, kuwaa aad makhaayadihii iyo goobihii quruxda badna ee doodaha iyo aqoonta iyo aragtida la isku dhaafsanayey aad kaga timi iyo kuwan iyamaa la qaatay, hadday kuwani wacan yihiin maxaad si xor ah balwaddaada ugu caddaysan wayday, oo hortooda ugu qayili wayday, oo hortooda qaadka ugu iibsan wayday, oo hortooda waxad donto ugu samayn kari la’dahay? Maxaad la naxdaa markaad aragto mid ka mid ah iyagii adoo qaad u fadhiya ama iibsanaya?, maxaad indhaha hoos ula foorarisaa? maxaad hadalka ugu soo koobtaa? Aaway shax shaxdii badnayd iyo fikradahaagii dhaxal galka ahaa ee wanaagsanaa, aaway dedaalkagi iyo horumar jacaylkaagi, maxaa ku niyad jabiyey ee wixii ad shalay necbayd, qabyaaladii, tahriibkii, shaqo la’antii, iyo qaadkii ku jeclaysiiyey ee iska caadiga kaaga dhigay?

 

 

Haddaba Dulucda Qormadaydani waa Inaan Dhalinyarada kaga waaniyo ku dhowaanshaha iyo ka ag Dhowaanshaha, Dadka Qayila, kuwa tahriibka iyo waxaas ka shekeeya, kuwa dhaqanada Gaalada jecel ee siyaabaha dhaqan xumada ku ah soomaalida u lebbista, u xiirta, una socda, Waxaanan ku dhiirigelinayaa inaanay Da’da iyo Gu’ga u kordhaa aanu u keenin dhaqan xumo iyo dib u socod nimo ee uu horseeda wanaag jacayl iyo horumar jacayl ka badan kii sannadki hore, waana in la iska waaniyo oo runta la isu sheego oo Dhalinyaradu iyada mustaqbalkii qarankan ahe la isaga sheekeyo arrimo la xidhiidha Horumarka, Hogaaminta Wanaagsan, Qabyaalad Nacaybka, iyo wax kasta oo wanaagsan oo Guusha Da’yartu ku jiro, Waxana Qormadaydan kula hadlayaa Qofkasta oo shalay isagoo yar oo iskuulka ku jira wanaagsanaa oo wanaaga jeclaa manta se Bulshadii xumayd ka awood roonaatay oo dhankii xumaanta, Fusuqa, iyo dhaqan xumada loo leexiyey, qof kastaana wu is ogyahaye dib ha u xisaabtamo, oo tusaale fiican ha ka dhigto, dadka wanaagsan, aan qayilin, horumarka jecel ee neceb marfashyada , hanka leh, ee dedaalka Badan, kuna hamiyaya inu hankiisa ka rumeeyo oo naftiisa iyo bulshadiisa ba horumar gaadhsiiyo.

Ilahaw Xaqqa Na waafaji

Fiiro Gaar ah:Qormadayda Wixii Gef ah ee lagu arko waxa iska leh shaydaan, wixi wanagsan oo dhanna ilahayba i waafajiyey oo ku mahadsan.

Allaa Mahad leh

Mustafe Osman Magaalo

Burco Somaliland

Mustafeteacher@hotmail.com