Wasaaradda Waxbarashada Somaliya oo sheegtay inay 30-ka May qaadayso Imtixaannada Dugsiyada Sare

0
Thursday May 14, 2015 - 11:24:31 in by Burco Office
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasaaradda Waxbarashada Somaliya oo sheegtay inay 30-ka May qaadayso Imtixaannada Dugsiyada Sare

    Qoraal ay Maanta oo Arbaco ah soo saartay Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Soomaaliya ayay ku sheegtay in 30-ka bishan May ay qaadayso Imtixaanaadka Shahaadiga ah ee Dugsiyada Sare.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qoraal ay Maanta oo Arbaco ah soo saartay Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Soomaaliya ayay ku sheegtay in 30-ka bishan May ay qaadayso Imtixaanaadka Shahaadiga ah ee Dugsiyada Sare.


"Waxaan ku War-gelinaynaa Dhammaan Maamulayaasha, Waaliddiinta iyo Ardayda Dhigta Fasallada 12-aad ee Dugsiyada Sare in Wasaaraddu ay Qaadista Imtixfaanka Shahaadiga ah ee Sannadkan u Asteysay 30-ka May, 2015," ayaa ayaa lagu yiri Ogeysiiska ay soo saartay Wasaaradda Waxbarashada, Hiddadha iyo Tacliinta Sare ee Soomaaliya.

Sidoo kale, qoraalka ogeysiiska ah ayaa lagu xusay in ciddii aan imtixaankan gelin aysan heli doonin Shahaadada Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta sare ee Soomaaliya. iyadoo qoraalka lagu xusay shuruudaha looga baahan yahay ardayga imtixaanka galaya.

Haddaba Hoos ka AKHRISO Ogeysiiska ay Wasaarada Waxbarashadu soo saartay;