Burco:Dhalinyarada Gobolka Togdheer Oo Barnaamijka Hal Na Dheh Ku Soo Marti Qaaday Aqoonyahan Ismaciil Yare +Sawiro

0
Thursday May 14, 2015 - 18:06:13 in by salman abdi
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Burco:Dhalinyarada Gobolka Togdheer Oo Barnaamijka Hal Na Dheh Ku Soo Marti Qaaday Aqoonyahan Ismaciil Yare +Sawiro

    -Siyaasi Ismaaciil Yuusuf Adan oo soo gaadhay maagalada Burco xarunta Gobolka Togdheer ayaa Dawlada Hoose ku qabtay Barnaamijka Wadniyada iyo ahmiyada ay leedahay isku xidhnaantuAqoonyahan Ismail Yusuf Adam "Ismail Yare" OO Mudooyinkii ugu

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

-Siyaasi Ismaaciil Yuusuf Adan oo soo gaadhay maagalada Burco xarunta Gobolka Togdheer ayaa Dawlada Hoose ku qabtay Barnaamijka Wadniyada iyo ahmiyada ay leedahay isku xidhnaantuAqoonyahan Ismail Yusuf Adam "Ismail Yare" OO Mudooyinkii ugu dambeeyeyba waday olole Wacyigalineed oo Balaadhan Kuna Saabsan ahmiyada ay leedahay Wadaniyadu Ayaa Waxa Uu hoolka dawlada Hoose Magaalada Burco Ku Qabtay Barnaamijkani Wayigalineed ee Ka Hadlaaya Wadaniyada Iyo Qiimaha ay leedahay isku xidhnaanta Bulshada Somaliland.


Madashani Oo ahayd Mid Kulmisay Dhalinyaro, Haldoorka Bulshada Gobolka Togdheer iyo waliba martisharaf kale oo aad utiro badan , Ayaa Waxaana Siyaasi Ismail Yusuf Lagu Casuumay Barnaamij Bile Ah Oo La Magac Baxay HAL-NA DHEH Oo Bishiiba Mar Lagu Qabto Magaalada Burco.



 

Waxaana Ugu Horaynba Halkaasi ka hadlay Aqoonyahan Abdi Xiis Abdi isagoona si kal iyo laaba usoo dhaweeyey Barnaamijkan uu waday Siyaasi ismaacil yare kuna hambalyeey heegan uu ugu jiro sidii uu dhalinyarada u fahansiin lahaa Macnaha Wadaniyada waxaana kamid ahaa hadaladiisi sida tani.

 

 

 

 

"Waxaan aad ugu faraxsanay inaan maanta kazoo qayb gaalo barnaamijka wacyigalinta ah ee uu wado aqoonyahanka da’da yare e siyaasi ismacil yuusuf aadan horena waan ula socday sida fiican ee u wado macnaha wadaniyada muhiimaduna waxa weeye in dadku fahmaan wadaniyadu waxay tahay ismacil yuusuf waxaan leeyahay halkaa kasii wad hana ka hadhin intay fariintani dadka wada gaadhayso kuna soo dhawoow gobolkaagii degmadaadi” sidaas ayuu dhahay aqoonyahan Abdi Xiis Abdi

 

Dhanka kalena waxa iyana halkaasi ka hadashay Qoraa nadiiha cumar cashuur oo ka xogwarnta taariikh nololeedka siyaasi ismaaciil yuusuf adan (Ismaacil yare) waxana ay sidoo kalena ka dhawajiysay inay si kal iyo laaba usoo dhawaynayaan barnaamijkan qiimaha leh eeuu wado siyaasi ismaacil waxaana kamid ahaa hadaladisii sida tani


 

"ismaciil yusuuf waxa uu dhashay sanadkii 1995 waxaa uu ku dhashay magaalada hargeysa, dugsigiisii hoose dhexe iyo sareba waxa uu kusoo qaatay magaalada hargeysa sidoo kalena hada waxaa uu dhigtaa jaamacada Wayn ee magaalada Hargeysa isagoona diyaarinaya Culuumta Caafimaadka waxaana iyana aan meesha ka maqnayn inuu sidoo kale dhigto jaamcada ADMAS ee magaalada hargeysa kana barto culuumta Adeega Bulshada, ismaacil barnamijyada wacyi galinta ah waxa uu bilaabay dabayaaqadii sanadkii ina dhaafay 2014. Ismaaciil yusuuf waxaan kusoo dhawaynaynaa magaalada burco waxaana aad u taageersanay barnaamijyada uu wado ee wacyigalinada ah anagoo leh halkaa kasii wad insha allah waanan dhalinyaro ahaan kula garab taaganay” sidaas ayay dhahday Qoraan nadiiha Cumar Cashuur oo kamida Naadiga Akhriska iyo Qoraalka ee Halkaraan


 

Hadaba intii lagu guda jiray Munaasibadani Wacyigalineed Oo Ay Xaadir ka ahaayeen Dhalinyaro aad u Tiro Badan isla Markaasina u Hanqal Taagaysay Amaba Se Hamuum Weyn U Qabtay Cid La Wadaagta mawduuc ah Wadaniyada iyo sidii muwaadinku u ilaashan lahaa Wadankiisa Ayaa Waxa uu halkaasi Ka Soo Jeediyey Aqoonyahan Ismail Yusuf Barnaamij Ay La Dhaceen Qeybiha Kala Duwanaa Ee Goobjooga Ka ahaa munaasibadaasi Waxaana uu Ka Sheekeeyey Halka uu Calanka Somaliland Ka Yimi, Halka Lagu Waddo iyo sidoo Kale Sidii ay bulshada Somaliland Yar iyo weyn ay U Ilaashan Lahayd Dalkooda ugana shaqeyn lahaayeen horumarka wadankooda. Waxaana kamid ahaa hadaladisii sida tani

"Hadii aynaan garan halkee calankan laga keenay Dhibkee losoo maray halkee laga soo saaray intaasoo dhan hadaynaan garanayn waxaynu maanta haysanaa qiimo inooma samaynayo ee nabada, wanaaga, wadanoolaansho ah, ee midnimo ah ee calana ee ciidana ee ciida. 1984 ayay reer yurub Africa qaybsadeen, dalkan Somaliland waxa kusoo hagaagay dalka ingriiska gumaysi ayuu usoo diyaargaroobay, xadaarad caqli iyo garasho ay lahaayeen awoowayasheen ayay intay badaa la dul fadhiisteen ayay ku dhaheen ingriisow dalkayaga kuma tarmi kartid dadkoodana dhaqankooda ma badali kartid waa garasho iyo dadaal iyo fikir ay ka fakarayeen mustaqbalka umadkooda. Somaliland-na waa wadankii sadexaad ee Africa ah ee xornimadiisa qaata dabadeedna maanta wadamada fadhiya miiska Africa union-ka ee leh waxaan dhawraynaa midnimada Somalia ee odhanaya Somaliland lama aqoonsan karo waa wadamo aynu ka ilbaxnimo horaynay ka gobanimo horaynay oo aan ka istiqlaal horaynay kuwaasi inaynu wax ka sugno maba ahaba” sidaas ayu dhahay siyaasi/Aqoonyahan Ismaaciil Yusuuf Adan (Ismaacil yare).



 

Sidoo kalena Aqoonyahan ismaacil yare waxa uu barnaamijkan wacyi galinta ah ee ku saabsan Wadaniyada Kusoo qaabtay intii uu ku sugna magaalada Burco Dugsiga Hoose Dhexe Sare Ee sheikh Ibraahim halkaasi oo uu kala kulmay soo dhawayn aad u balaadhan kuna soo dhaweeyeen macalimiinta iyo ardayda wax ka barata dugsigaaasi.




 

 

 

Gabagabadiina ismaaciil yusuu Adan iyo XUbno kale oo la socday ayaa waxay u anba baxeen dhankaa iyo magaalada sheikh iyagoona ardayda dhigata DUgsiga Sare SOS SECONDARY SCHOOL la wadaagi doona Barnaamijkan Wadaniyada waxaana sidoo kale la filayaa inay DUgsiyo kale oo ku yaala magaalada BerBerana ku Qaban doonaan barnaamijkan ku saabsan wadaniyada.


Contact@afkashacabka.com