Muslimiin U Dhashay Dalka Myanmar Oo Ku Cadilan Badda Thailand iyo Deeranada Ku Xeeran

0
Thursday May 14, 2015 - 21:27:59 in by salman abdi
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Muslimiin U Dhashay Dalka Myanmar Oo Ku Cadilan Badda Thailand iyo Deeranada Ku Xeeran

    Boqolaal tahriibayaal u dhashay Myanmar, ayaa waxa ay ku xaniban yihiin muddo todobaad ah badda Andaman, kuwaas oo aanan heysan cuno, biyo, waana dad quustay oo cabaya kaadidooda.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Boqolaal tahriibayaal u dhashay Myanmar, ayaa waxa ay ku xaniban yihiin muddo todobaad ah badda Andaman, kuwaas oo aanan heysan cuno, biyo, waana dad quustay oo cabaya kaadidooda.


Doontaas kaluumaysi ayaa siday, sedex boqol iyo konton tahriibayaal Muslimiin ah oo u dhashay qowmiyada laga tirada badan yahay ee Rohingya, ayaa loo diiday in ay soo galaan Thailand.

Dadka saaran doonta, ayaa u sheegay BBC in shaqaalihii waday doonta ay dayaceen oo ay fariisiyeen matoorka doonta.Waxa ay sheegeen in 10-qof ay dhinteen oo laga tuuray doonta. Ciidamada Badda ee ilaalada Thailand,Indonesia, Malaysia iyo Thailand ayaa waxa ay celinayeen doomaha sida dadka qaxootiga ah.

Kummanaan qof ayaa ilaa hadda la aaminsan yahay in ay ku xaniban yihiin, dooma jooga xeebaha Thailand iyo Malaysia.

Dadkaas ayaa u badan Muslimiinta u dhashay qowmiyada Rohingya, kuwaas oo aan ku laaban Karin Myanmar, oo sidoo kale loo yaqaano Burma, ayaan halkaas looga aqoonsanayn in ay yihiin muwaadiniin u dhashay dalkaasi, oo si joogta ah loogu silciyo.

Habeenkii arbacada ayaa doomo kaluumaysi ay heleen doonida, waxaana lagu soo jiiday biyaha Malaysia, kaddibna waxaa dib loogu celiyay biyaha Thailand, waxa ayna sugayaan ciidamada badda Thailand, sida uu ku soo waramayo weriyaha BBC.

Dadkan tahriibayaasha ah ayaa isugu jira 50 haween ah iyo 48 caruur ah, kuwaas oo doonida siday ay ku jirta badda muddo laba bil ah, balse xaaladooda ayaa adkaatay, kaddib markii shaqaalihii waday doonta ay dayaceen doonida ayna ka tageen doonida oo aanan shaqeynaynin.




Contact@afkashacabka.com